Waano Dhalan Baa Ka Adag (Abdi-Shotaly).

Tuesday December 05, 2023 - 10:44:47
hadhawanaag
Intaa dabadeed waxan u soo qaatay nin-kaas colaadda..


Nin fidmo wale iyo gacan-ku-dhiigle ahaa, oo in uu balaayo ka dhex abuuro laba reer uun mooyee aan wax kale-ba Rabbi barin, baa lagu yidhi waar nin-yahaw caga dhigo, oo imika waxad joogtaa da'e, ee ka bax xumaantan aad abuurayso iyo dagaalkan aan dhamaanayn ee aad rebshed abuur uun faraha kula jirto, kolba aad laba reer oo aan wax dhex oolin aad foodda isu gelinaysid, oo bal mar uun nabad ka tali, aduunkii isku gubtay, oo wakhtigan wax aanad dhigini ma dhacaane, ilayn sidani si maahee. Halkii laga eegaayey in uu wax maqlo, oo uu ka baxo waxan uu wado iyo dhibaatadan aan istaagayn iyo rebshedan adiga ku fadhidda, ee waaggii berya-ba qaylo dhan iyo ka kacaay, kala qax, dhimasho, dhaawac, goblan mooyee aan wax kale laga faa'iidayn, oo ummadda kol keliya ha kaa nasteene, jooji si ay inta hadhay u kala bad-baado.akhristaw halkii laga filaayey in uu wax bedelo, baabu sii afar qaaday, ilayn horaa loo yidhi " Waano dhalan baa ka adage" Iyaba waa yaabe wuxuu ku baroortay wixii hore-ba wax ka sii daran, oo uu gabay ku sheegaayo, in waxa uu soo wadaa ay intii hore-ba ka sii xun yihiin, waxa ka mid ahaa ereyadda gabayga " Tolaayeey Xalay Miyaan, Talay Oo Reemay, Miyey Tamaraday Laba Qabiil, Taws Dhex Dhigi Wayday" Halkii la is lahaa wax kala dejiya, oo belaayadu intii hore ha ku ekaato, dadkii waxa ku dhacay anfariir iyo yaab awgeed ay gacmaha saaraan madaxa iyo dhabanadda.


 

Intaa dabadeed waxan u soo qaatay nin-kaas colaadda ku foogan iyo maansadiisa, oo aan u daliilsa-nayaa, dhab-tiina cayn-kaas ka dhigan, oo la mid ah askariga " Xaafad-tooyadda" ee guriggii moorgan ku botoriya, Saleebaan Yuhuudi iyo inta ka daba washiiridda, ee ay u horeeyaan " Geenyo Shaaximan, Bakhti dhego-weyn, Kooraysane, oo ay weliba sii adeeg-sadaan kooxdda maxaan cunaa ah ee uu ka mid yahay Gafanaha fuurey ee Buuni iyo ka la yidhaaho, tol cay ( Waa Bukaariye). Aan dib ugu soo noqdo labadda askariga iyo Saleebaan Yuhuudiye. Ilaa dagaalkii " Maryo-Allool" Waxay daliisha-daan, kuna shaqeeyaan intii ay dab ka baydheen odhaah-ddii ahayd " Haddii aanan qolo ku foognayn ama dhiig faraha darin, waanaan fadhiyi karin" shaqa-dooduba waa sidee baad iskaga hor keentaan laba beelood oo wax dhex yaalaa aanay jirin.Muwaadin farsamadda sidaas ahi, waata dalkii isku duubnaa, midka ahaa, caalamku u soo jeeday, wax ay u qabtaan daayoo kala jaray, ee burburka saameeyey, dhiigana ugu fara-xalay, ee godobta, is nacsiiyey, uguna kala abtiriyey jifo-jifo, beel walba u samaystay digsi-xagato u gaar ah, kuwaas oo lagu biiliyo in ay ka daba hadlaan qofkii runta u sheega sidda " Ugaaska Arab". Ee bal adba indhahaaga ku arag.


 

In ay taasi dhab tahay, waa tan daliilkii ee dhegaha u ballaadhi hadaad u naxayso Wixii la odhan jirey S/Land intii ka horeysay maamulka askarta iyo Saleebaan Yuhuudi. Ku darso oo sababta xasuuqii Laascaanood loo sameeyey-ba waxay ahayd isku dhufashadda " Dhulbahante iyo H.Jecllo, Biciidda iyo Sacad Yoonis, Ciisa Muuse iyo Garxajis, H.Jecllo Iyo Ciise Muuse, maantana waa taa madaxa la isu geliyey Samaroon iyo ciise" ujeedda cimri dhererka looga dhigana-yaana, ee waxaas oo dhiig ah loo qubayaana, wax kale maaha ee waa " Mudo Korodhsi" Ay wakhtiga ku haleeyaan. Ogay markii ciidan ku sheegii u adeegi jirey, ee kolba uu beel ku jeedin jirey, bay yidhaah-deen inta aanay adiga " Xaafad-tooyadda" kuugu iman ilayn wax kaa waabiya ma hayside, iyaka isku jeedi, oo ka dhex faa'iidayso. Taas oo ah mabaadiddii Gumaysta-yaasha ee ahaa ( Divide & Rule) Oo micna-heedu yahay " Qaybi oo xukun" Waayo si kale-ba uma sii haysan karo, sidaas baana ay tahay maskaxdda qudhmuun ee ku jirta, inta uu xushay-na, ma jiro mid ku odhan karaa waad khaldan tahay ee jooji waxad waxad walaaqayso, dalkii waad burburisaye, sababtu waxa weeye, iyaba dalka iyo dadka naf uma hayaane, waxay eegayaan dana-hoodda gaarka ah iyo siddii hantidda ummadda jeebka loogu shuban lahaa, akhristaw sidaa ula soco, meesha wax yaalaa iyo dal iyo dad laga fekerayaa majiraane.


* N.B Hadaanaan Qollo Ku Foognayn, Ama Dhiig Faraha Darin, Waanaan Fadhiyi Karin!


Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...