Muxuu Yahay Warka Somaliland Sida Adag Ubeenisay Ee Somaliya Ka Soo Yeedhay?

Wednesday May 08, 2024 - 09:58:43
Hadhwanaag
"waxaana beenin-kara bulsahda JSL oo isku dhan"

Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibedda dawladda Soomaaliya, kaas oo sheegay in la soo afjarayo wax uu ugu yeedhay been Somaliland isu sheegeysay 33-kii sanno ee ugu dambeeyay, balse wasiirku waxa uu bulsahda faray in la soo afjaro hadalkiisa oo la beeniyo.


Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Maalin dhaweyd waxa hadlay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, wuxu yidhi ‘Waxaanu soo af-jaraynaa beentii 33-ka sanno reer Somaliland isku akhriyayeen oo aanu beeninaynaa. Inaguna waxa aynu beenineynaa huuhada la isku shubayo ee la leeyahay Somaliland baynu soo af-jaraynaa, waxaana beenin-kara bulsahda JSL oo isku dhan, dowlad, xisbiyo, waxaynu nahay umad wax beenisa, waxna qabsata, waxna horumarisa.”


Somaliland iyo Somaliya ayaa ku sii kala fogaaday heshiis is-afgarad oo dhawaan Somaliland lagashay Itoobiya.
     
Loading...