Muxuu Daaranyahay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Ku Tagay Kenya?

Sunday May 19, 2024 - 15:14:51
Hadhwanaag
"Madaxweyne Xasan Sheekh waa markii labaad oo muddo bil gudaheed ah uu booqdo kenya"



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galab socdaal ku tagay dalka kenya. Madaxweynaha ayaa Aqalka Madaxtooyada Kenya ee magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto.


Hadal qoraal ah oo Villa Somalia ay soo dhigtay barta ay ku leedahay X ee horey loogu yaqiin Twitter ayaa lagu sheegay " Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sii wanaajinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinacyada badan leh ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay gundhig u tahay danaha wadaagga ah ee horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.


Dhanka kale madaxweynaha Kenya William Rutto ayaa boggiisa X ee Twitter ee horey loogu yaqiin X, isaguna soo dhigay qoraal u dhignaa sidan " Wadashaqeynta aan la leenahay dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid miro dhal ah. Gobolka waxaa ka muuqda nabad iyo xasillooni ballaaran. Waxa naga go'an inaan kobcino xiriirkan”.


Weli, war faahfaahsan lagama hayo qoddobada ay labada madaxweyne ka wada hadleen.


Madaxweyne Xasan Sheekh waa markii labaad oo muddo bil gudaheed ah uu booqdo dalka kenya. Sidoo kale Ra’iisulwsaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Toddobadkii hore booqasho ku tagay magaalada Nairobi halkaas oo labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya ay heshiisyo iskaashi ku wada saxiideen.


BBC
     
Loading...