Muxuu Yahay Go'aanka Xasan Sheekh Shaaciyay Ee Puntland Sida Adag Uga Hortimid?

Friday May 10, 2024 - 09:46:16
Hadhwanaag
"Puntland ayaa ku doodeysa in xilligaan aan la joogin waqtigii la joojin lahaa ..."

Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid dalabka dowladda federaalka Soomaaliya, ee ku aaddan in meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobey ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka jiray muddo dheer.


Puntland ayaa ku doodeysa in xilligaan aan la joogin waqtigii la joojin lahaa howlaha xafiiskaan uu qabto, maadama sida Puntland ay qabto aaney dalka ka jirin dowlad awood badan.


Wasiirka warfaafinta maamulkaas Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dalabka dowladda uu yahay qar iska tuurnimo.


Bilihii ugu dambeeyay waxaan wanaagsanayn xidhiidhka udhaxeeya Dawlada Faderaalka Somaliya iyo Maamulka Puntland, oo isagu si'adag uga horyimid wax kabadelkii Dawlada Xasan Sheekh Ku Samaysay Dastuurka.
     
Loading...