Naf Goday Go'aan Ma Leh Godka Mooyee (Abdi-Shotaly).

Friday March 01, 2024 - 19:49:54
hadhwanaag
N.B Naf Baxaysaa Baroor Iyo Ba'ayeey Mid-na Kuma Joogsato.



Tii heego ahayd way u dhamaatay, oo waxay ku jirtaa galgala-shaddiii ugu dambaysay, tiirkii ay is tidhaaho cusko iyo laantii ay  qabsa-taaba way tan la jabtay, oo haday meeha-naab awgeed kolba derbi ka soo go'aysaa. Akhristaw horey Somalidu ugu Maah-maahday " Naf Baxaysaa Baroor iyo Ba'ayeey Mid-na Kuma Joogsato " Waxan uga socdaa maamulka askarta ee ka shimbiro-waaqleeya " Xaafad-Tooyadda" Halkii ugu dambaysay bay maraysaa, daacaa-qudhun abid ugu xumaa baa hadeer ka socdda,,oo imikay siddii bahalkii la odhan jirey ' Oday Geelii Ba'ay" ay sidiisii cidla warwa-reegayaan murux isi soo taagay iyo dhabano hays, mana jirto meel ay ku dhuuntaane, Rabbi baa bacaad wadhay.


Muwaadin, Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay waxa u hadhay oo keliya, sidda ay murtidda cinwaanku sheegayso ee ah " Naf Goday Go'aan Ma Leh,In God lagu Rido Mooyaane" Akhristaw maare kale uma hadhin, in aynu is kaba-raacino mooyaane, oo aynu " Xabaasha" U Dedejino, farsamo kale iyo dul-qaad dambe oo lagu dayaa ma jirto, haddii kale inta yar ee dalkii iyo dadkii ka sii qiiqaysa iyana iska illaw, oo adna is gawrac ilayn inagaa iskugu wacan waxa ku gaadhaye, waa qalfoof socdda,ah naf la caarid riixid uun baahan.


Bal ummad yahay waa iga su'aale, naf iyaddii is-falaysa miyaa loo taag helaa? Jawaabtu waa maya ee aynu iyadda isku sii dayno, oo yaan cid kale loo dirin ay ku marar-sooto,ilayn waan aragnaa oo rajo way kala quusteene.Waxan ku soo xidhay maqaalkan murtiddii ahayd "Maroodigu Takarta Ku Taagan Ma Arkee, Ta Ka Kale Ku Taagan Buu Arkaa" Maalmahan waxay ka daba wareega-yaan Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye Xirsi X. Cali, waxay-na ku eeday-nayaan waxay la kulmeen Madax-Weynaha Maamulka Fadaraalka ee Xasan sheekh. Marka xaaladu halkaa marasyo, saw maaha, anaga waa noo xalaal, idina waa idinka xaaraan, ee bal maxay kaga duwan yihiin iyaba waa kuwii Geenyo-Shaaximan, Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay iyo is-qaawiye ( Waa ka Arimaha Debeda'e) Ay isugu tageen Jabuutiye, ee maxay u dhexeeya kuna kala duwan yihiin, saw micna-hoodu maaha anigu aan arkee, idinku ha arkina. Imikana waxay daba dhigteen Gud. Xirsi Xaaji Cali, markii ay been iyo huuhaa wax kaga qaadi-waayeen. Waxay u daba cararayaan saw maaha "Waraabe Orod-na Lagu Gaadhi-waa, Tuuryo-na Lala Heli-waa"
*N.B Naf Baxaysaa Baroor Iyo Ba'ayeey Mid-na Kuma Joogsato.


Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...