Waa Kaa Hororkii Hanbaddii Cunay (Abdi-Shotaly).

Thursday October 12, 2023 - 11:39:59
hadhwanaagnews
* N.B Sheeko Iyo Shaahid Lama Maqal, Lamana Arag Yey Dheregsan Iyo Dhurwaa Aan Baahnayn!



Somalidu waxa leedahay waxay samaysaa murti aad u qiimo badan, oo ay wax kula baxayso, waxa ka mid ah oo ay tidhi " Bahal yuur mooyaane daa lama yidhaaho" Waana arin dhab ah oo ay u soo joogtay, mar walba-na taagan si cad-na loo arko, wakhti kasta oo la joogo iyo meel walba oo aad ku sugar tahayba. Maanta waxan u soo qalin qaatay wax-yaabaha ka dhacaaya Hargeysa, ee uu askarigii hororka ahaa " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye" Uu intii yarayd ee faraha ummadda ku hadhay, kuna noolaayeen maatadda Dan yarta ahi, agoontii ka soo hadhay mujaahi-diintii dalkan u soo halgamay, oo qaar curyaan yihiin, tiro aan la soo koobi karini iyana dhaawac yihiin ka soo gaadhay soo geli-taankii dalka lagaga xoraynaayey Maamulkii Af-weyne, dagaal-kaas oo ay dadka 100% isku qoomamay-nayaan in ay sameeyaan, oo maalin-kaas maanta ah, waxay u dagaala-mayeen wax boqol jeer ka xun ay hadeer hayaan, dad- kuna ay leeyihiin Illaahay dib u soo noolee af-weyne, xaal-kuna uu ku dambeeyey " Kud ka guur oo qanjo u guur" Baa akhristaw ku yuurur-saday ummaddii siday u dhamayd, mana jirto meel u fayoobi.


 

Horaa u ogaydeen, Baloodho uu Askarigu ka boobay masaakiin, qaar macalimiin yihiin oo ay ka dhaxleen waalid-kood, Beertii Cismaan Dacas oo aanu meela u soo marin, Buurta kala jeexan, oo uu ka raray qoysas 600 guri ah, tiro ahaana 1590 ruux ku noolaayeen, oo In tuuCagaf-cagaf mariyey qoyskiisa hoose ee reer " Cabdi Dameer" u qaybiyey magac bilaash ma baxo'e, waayo horaa loo yidhi " Awr waliba, awrkii dhaluu aarankii yahaye" kanina waa ina Cabdi-Dameer uun. Intaas narkaad soo dhaafto, waa kaas aakhirkii narkuu arkay in laga soo hor jeestay, oo aanu baadh u baxayn, Wixii yaraa faraha ummadda ku hadhay ka xaraashay ee ku wareejiyey, islaanta Khadra la yidhaaho ee uu kolba dhawrka fijaan u sii qaado, waa ta uu qabo ina geele badalka jabuutiye, waxa khasab lagaga raray masaakiintii ku noolaa meeshii la odhan jirey " Laynka Bilayska," oo lagu bara kiciyey tiro gaadhaysa 200 oo qof. Kuwaas oo cidla lagu daadiyey, banaanka la wadhay, oo aan haysan wax ay roobka iyo dabaylaha ka galaan. " Garoonkii Kubadda Kolayga iyo xanaanaddii u dhawayd oo iyana uu ka iibiyey inaadeerkii " Ina Aw Saciid" Wararka hoos loo helayaa waxay sheegayaan in Islaanta khadri ay siisay askariga 25 Milyan oo doolar ( $25,000,000). Ina Aw Saciid-na uu ka siistay $4.5000 Milyan, Akhristaw ha yaabina waa sheeko xaqiiq ah, oo baadhi-taan lagu sameeyey.


 

Hooraa Somaludu ugu maah-maaday iyadda ka hadlaayey xayawaanka qaybta loo yaqaano habar dugaaga ( Waa qaybta hilibya cunka ahe). Sheeko iyo shaahid lama arag, lamana maqal intii dunidu jirtey " Yey dheregsan iyo dhurwaa aan baahnayn" Waa murti aanu qof-na dafiri karin, hadaba waxa cayn-kaas ka dhigan Askariggii gaajo iyo caydh-nimadda ku soo koray ee " Xaafad-tooyadda" Hargeysa ee uu ku jiro dad isku mooday. Ummaddii waxay helay oo isu kaashaday koox ka xun, oo siddii weere adhi lumay helay, oo in jiift iyo in uu cunay ka dhigay ka dhigay, Askarig iyo qoomka uu ku adeegtaa, way ka daran yihiin Yuhuudda, imikana waxay arkeen in ay u dhamaatay oo intii hadhay waa kuwaas isi sii kaba raaciyey,ee xagan hoose ka akhri, waxa uu ku kacayo, oo is leeyahay yaan dal iyo dad mid-na kaa dambayn. Weliba calaa-haakadda Qaar xil- sidaas ku raadinayaa, iyo mid leh isku beel baanu nahay, oo waa inaadeerkay ay ugu sacab tumayaan, ilayn iyaka bay u irmaan tahaye. Waxan ku soo dabray qoraalkan, imika wixii ka dambeeyey ( ilayn wax u hadhay ma jirtee) idinka baa la idin iibinayaa, ee qof walaw-ba isi sii qiimee inta lagugu iibsanaayo.


 

* N.B Sheeko Iyo Shaahid Lama Maqal, Lamana Arag Yey Dheregsan Iyo Dhurwaa Aan Baahnayn!


Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...