*N.B Tallo Waa Mar Aad Garan Waydo Iyo Mar Gaadhi Waydo.
Ummad yahay saaka waxan u soo qalin qaatay, in aan wax yar ka qoro, waxa loo yaqaano " Deriska Ama Jaarka" Akhristaw siday aniga ila tahay, adiga mooyi waxad u haysata'e, deris waa " Laba shay oo aan haba-yaraatee kala tegi karin,kala durki karin,kala guuri karin, meela kala qaban karin, oo aan sinaba u kala bixi karin ee ah waax-yo isku yaala sidda jidh-keena" Mar haddii xaalku sidaas yahay-na. Sidaas awgeed, waa waxa illaahay isu kiin xigsiiyey, maadaama aydaan kala go'i karin. Labadda Qof ee deriska ahi, way iska xigaan dadka kale, waana kuwa isugu dhaw ee iska war hayn kara, is ilaalin kara, haddii mid wax ku dhacaan waa in ka kale uu sii daryeelaa, Inta aanay soo gaadhin ciddii u ehelka ahayd, cidi idin ma kala xigto, oo waad is wadda dhasheene, mar uun fekera. Waxan idin leeyahay is hubsadda " Tallo Waa Mar Aad Garan Waydo Iyo Mar Aad Gaadhi Waydo'e" Halkaad wax ka wadda qabsan lahaydeen, ee noloshiina ka talin lahaydeen, idinkii baa isku jeestay, oo is xaaqaaya, ee wax bedela, oo mar uun caqligu ha shaqeeyo.
Akhristaw hadaba haddii aan dib ugu soo noqdo halka I heemaysa, sidda aan ku soo sharaxay sare, " Derisku markuu isku wacan yahay, wuxu yahay sidda ay xubnaha-haaga jidhku u wadda shaqeeyaan, marka derisku isku xun yahay-na waa boog jidh-kaaga ka mud ah" oo aan bogsan doonin. Labadda dersika ahi waa in ay is xaq dhawraan, oo mid-ba-midka kale waa in uu xumaan-tiisa dheeraadaa, ilayn dar meel kala tegaya maahee, oo Rabbi dhulka isugu dhejiyeye, cid u kala jaraysaana ma jirto, ee way ku khasaban yihiin in ay nabad ku wadda joogaan bogca-daas illaah kuwadda abuuray, mar hadaan cid u doori-naysaa aanay jirin, ilayn awood-ba uma laha'e, oo illaahay uun baa taas samayn kara, isna halkaas uu ku beeray buu u dooray oo mar kale, meelo kale u kala rari-maayo.
Waxa la yidhi " Doqoni Halkii Lagu Dagaalay Ayey Ogtee, Ee Halkii Lagu Heshiiyey Ma Taqaan" Reer bari waxan leeyahay sidda Togdheer, Sool iyo Sanaag, qori lala cararaa waa waxa halkaa idin dhigay ee aad la hinqan wsydeen, qayr-kiin iyo qayr xigihiin-ba idinka reebay, halka goboladda galbeed, ay ka qaateen mandaraq iyo majarafad ay beero ku qoraaan, iyo qalin ay wax ku bartaan, idinka waxa aabihiin dilay faan iyo anaa kaa adkaa weligay. Ee adigu wax-ba ma tihid, inta aad sidaas tihiina, in aad sii baabadaan mooyee in aad meel ka soo baxdaan ha sugina. Ogaw oo deris-kaaga adiga ma dooran kartid, oo illaahay baa isu kiin dooray, iskiin barbar dhigay oo isku kiin garab beeray, laakin inaad nabad ku wada noolaataan iyo qadarin ayaa dooran kartaan iyo I'm aad is dabar goysaan, ee mid soo doorta. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waxan maqalayaa reer Ceerigaabo, gaar ahaa " Garxajis Bari, H.Jeclo iyo Dhulbahante" Diide nabad ee Warsangeli nabad buu Qaatay. Waxan idin odhan lahaa, weli-giin kala adkaan-maysaan, intii hore khasaare ha idiinku ekaato, ee inta dambe u taliya.
*N.B Tallo Waa Mar Aad Garan Waydo Iyo Mar Gaadhi Waydo.
Abdi-Shotaly.