Dagaalka qarsoon Ee Ka Dhex Oogan Askarta " Xaafad-Tooyadda (Abdi-Shotaly).

Wednesday June 21, 2023 - 13:07:20
hadhwanaag
N.B Nin-ba Tacbkii Talooy, Kaa Maal, Togna Taagtii Tamartii Rogmay!


Waa ayaan-ba-ayaan wakhtigu, wuu midabo badan yahay, meel loogu soo hagaago-na ma laha, waayi-hiisa kala duwan iyo siduu isu bedelaa waa cilmiyo u gaar ah, acmaasha uu wakhtigu dhaliyaa iyo duruufaha uu ku keeno aadamiga,maa aha mid dariiquu haysto laga duwi karo, isaga baa wax maamula, oo siduu doono yeela, cid wax u yeedhin kartaana ma jirto ama waano iyo tusaalo siin karaa, waa wakhtiga ka siduu rabo inagu sandu-layn karaa, sidaad jeceshahay kama samaysan kartid, ee isagaa baa wuxuu rabo aad ku khasban tahay, looma cawdo,baryo-no wax kuma laha, cid dariiqiisa ka duwi kartaana ma ay jirto, waa " Boqor-tooyo calan leh" Wuxuu leeyahay Wakhtigu "Ciidanka dunidda ugu xoogga weyn, weligiina ma jirto cid ka adkaatay. Way jiraan mararka qaar-kood in uu kibir-kaagga kuu sii yara durkiyo, oo aad is tidhaahdo, adaa aduunkan ugu quwad weyn ee sare u kaadi sidda askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Taasi oo uu aqoon-gaabku ku fekero,ma jirto cid iskaa hor-taagi kartaa ee sidaad doonto u soco, waase maalmo kooban ee lama maqal,lamana arag cid iska baacisay ama ka adkaatay wakhtidda iyo duruufi-hiisa.

 

Waxan maanta u soo qaatay, ka hadalka arimaha uu keeno is rog-rogga  wakhtigu ee igu kelifay, waxa weeye sidan hoos ku qoran:- labaddii Askari ee dalka iyo dadka rogay, oo iyaba waa nasiib darro'e hadda ay fiinto dhex miranayso, dusha-na la ina tusaayo in ay heshii ka yihiin, laakiin xaajadu ay meel xun ka marayso. " Raggii ma adigaa ka hadhay" Baa ku yidhi ka uu ku adeegto ee " Geenyo-shaaximan" Isaga oo cadho jiq ah, markii ay laantii uu qabsa-daaba ku soo jabtay, ee badhidda dhulka ku dhuftay. Akhristaw waa tan runtii oo aan biyo is marini, isaga oo hadalka uu bilaabay Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Baa wuxu arin ugu horey-siiyey, oo af buuxa ku yidhi sidatan, waxan baan xeeri-naayey, laakiin imika waa igu khasab in aan sheego, sir weyn buu qarxayey ee hoo"-

 

(1) " Halkaan adiga kaala hadhay, anigoo ina Xaashi la Hadha, buu kun jeer, ee dhaami lahayd" Waayo laab been ah baad ii garaacday, waxad igu idhi H.Jecelo nimaan aniga ahayn, wax kama dhegaysato, taas oo aan soo ogaaday xaqiiq-ddii in aanay wax ka jirin.

(2) Waxaynu ku wadda soconay, saddex heshiis oo inoo sir ahaa kuwaa oo kala ahaa:-

(a) Kii aynu ku galay " Qaaxa" Ee ahaa in aynu jid-gooyo ku dilo " Siilaanyo" wakhtiggii uu gudoomiyaha SNM ahaa.

(b) Heshiiskii labaad oo isna ahaa, kii aynu ku abaabulay dagaalkii " Maryo-Alool" Ee  aynu jeegaanta ku sanaynay, si aan Garxajis uga ilaalino xukunka. Kaas oo saleebaan gaal Markhaati ka ahaa.

(c) Ka seddxaad waa Kii aan " Shaanidda ku qarxinaayey " Madax-weyne Siilaanyo" Oo aynu ku heshiinay in aad adigu iska aamusto, si aanay HJ kuugu cadhoon ama kuugu kicin.

 

Maxaan markaas inika kugu falayaa? Hadeer cidlaad ka joogtaa HJ siday u dhamayde, oo waxay gacan ugu jirtaa, kalana qayb-saday labadda nin ee " Gudoomiye Xirsi X.Cali iyo Ina Xaashi" Adana waxaad wadataa oo keliya " Xinif iyo Cali Mareexaan" Xataa Gaafaadhi kulama socdo. Sidaas awgeed waxa ii kaa dhaami lahaa in aan Xaashi taageero, adigu rayi iima keentid, tallo-na ma lihid, fariin-taydda ayuun baad qaadaa, wixii lagu soo yidhaah-dana waad igu soo celisaa, weligaa imaad odhan waxaasi waa khalad, ee waad iigu sacabo tuntaa, maalin baan ku dhegaystay, aad tidhi dalka dagaal geli,oo cid walba diid, si aan wakhti korodhsi ugu hello, Tiina waa ta halkaa ila maraysa. Dagaalka laas-caanood adigaa igu dhaliyey, soona noqon mayso, Garxajis waa cadaw baad igu tidhi, oo adaa isku kaayo direy " Abti-yaashay" isku soo duubo, maanta gabal baa inoo dumay ee aan eegno ayaamaha inagu soo aadan. Wakhtiga lama maamulo ee isaga weeye ka tiisu rumawdaa, ee cid kasta oo wax is moodda, ku sandu-leeya in uu hoos tago, oo cagaha qabsado. Wuxu ku soo xidhay hadal, way inoo dhamaatay ee aynu is dhiibno.

* N.B Nin-ba Tacbkii Talooy, Kaa Maal, Togna Taagtii Tamartii Rogmay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...