Tallooyin dhaxal gal ah. Dr ibrahim Al -fiqi

Wednesday June 19, 2024 - 09:58:45
hadhwanaagtv
Ufiirso hab dhaqankaaga inta uusan isku badalin natiijo
Ufiirso fikirkaaga inta aadan awooda saarin
Ufiirso awood saarida fikirka inta uusan isku badalin dareen

Ufiirso dareen kaaga inta uusan isku badalin habdhaqan
Ufiirso hab dhaqankaaga inta uusan isku badalin natiijo

Ufiirso Natiijadaada inta aysan isku badalin masiirkaaga
Adigu ma tihid Ciwaan aad naftaada siisay ama dad kalaba ay siiyeen adigu ma tihid mid murugo iyo ciil iyo
 fashil loo abuuray

Adigu ma tihid shakhsiga iminka midabka miisaanka ama xajmiga aad tahay iminka
Adigu ma tihid wax tagay wax jooga ama mustaqbal.

Adigu waxaa tahay makhluuqa ugu fiican ee ilaheey abuuray
Hadii qof dunida joogo wax xaqiijiyey adiguna waxaa kuu suuragal ah inaad xaqiijiso oo waliba aad ka sareyso insha allah

Had iyo jeer xusuuso in habeenku yahay bilaawga maalinta
Jiilaalkuna bilaawga xagaaga xanuunkana bilaawga raaxada

Arimaha adagna ay yihiin kheyrka bilaawgiisa saadaalinta wacanna ay tahay bilaawga awooda shakhsiga
Sidaa awgeed noolow daqiiqad walba sidii ay tahay tii u danbeysay noolow adiga oo ilaahey jecel

Noolaw adiga oo Akhlaaqdii rasuulka ku dayanaya naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee
Yadiidilo la noolow jihaad la noolow samir la noolaw jaceyl la noolow oo qadari qiimaha noloshaada

Qodobkee ka heshay?

Allah ha unaxariisto Dr al-Fiqi

Hammami Abdi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...