Isdhamayse Dunidii Aakhirana,Dhaxalku Waa Naarta.

Saturday September 02, 2023 - 11:01:57
hadhwanaag
Dhiig Islaamna Wuu Culus Yaho,Laguma Dheereeyo,



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Dhimashada Dhib Weyn Uma Arko,Waa Dhigaal Qoran,

 

Dhagar Admi Goortay Tahay Bay,Dhaxal Xun Reebtaaye,


 

Dhiig Islaamna Wuu Culus Yaho,Laguma Dheereeyo,

 

Dhamaanteedna Soomaaliday,Dhaqan U Soo Raacday,


 

Dhegxumo Duul Ku Dhaantaynayo,Dhiig Faraha Geliyay,

 

Dhaadasho Iyo Amaan Moodayoon,Dhaadin Aakhiraba,


 

Dhulkan Waxa Abaaraha Dul Dhigay,Dhiigan Aadmiga’e,

 

Dhiig Islaam Dhulkii Lagu Qubaabu,Dhibicda Roob Diiday,


 

Isdhamayse Dunidii Aakhirana,Dhagaxii Naareed Dheh,

 

Dhana Uma Fayoobe Alloow,Sidan Si Noo Dhaanta,


 

Dhaqsana Iiga Maqalo Baryadan,Noogu Badi Khayrka.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...