Dagaaladan Dalkii Dumiyay,Dadkeenii Dhamaanaayo,Dunidii Inaga Reebe.

Wednesday June 14, 2023 - 14:16:23
hadhwanaag
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

Dagaaladan Dalkii Waalaye,Dadkii Dhimanayaan,


 

Diintiyo Laga Fogaadiyo,Daacad La’aata Weeyaan,

 

Maanta Dawlad Xumideena, Dunida Inala Yaaban,


 

Dabka Huraya Deminti,Dagaalkena Garanwayay,

 

Dulmigiyo Isdabamarinta,Danyartiyo Inkartoda,


 

Dunuubteena Buxdhaftay,Iska Dabawaregeenan,

 

Dalka Dhinacba Loo Diiday,Distoorkii La Jebinayo,


 

Dusha Sudhanay Tawxiidka,Diiniyo Ka Been Sheeg,

 

Doorashoyin Laga Quusay,Durbaanada Ciyaartena,


 

Digrigii Yaraanaayo,Daayin Wuu Inoo Roonyay,

 

Inagaaa Darjiidhayna,Oo Iswada Duqaynayna,


 

Dawladaay Dulsare Waabka,Duudubka Naga Dayso.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...