Tolaay Dadkaygaw Dalkii Wuu Ooyayaa (Ali Abdi Hersi).

Sunday June 30, 2024 - 17:16:15
hadhwanaagtv
Waad salaamantahay Muwaadin marka hore:



Todobadii sanadood ee inadhaafay ee weli la hoos joogo Kulmiye waxay ahaayeen kuwo aad ugu adag 80%dadaka u dhashay Somaliland. Dadku way cadhaysnaayeen aniguna waan sii cadhaysnaa.


Geeridu aad bay u badanayd 7dii sanadood ee Kulmiyaha weli jooga dalka ka talinayey waayo meesha jahligu taliyo geerida iyo dhimashaduba wey badnaanaysa.


 

Guryaha Somaliland 70% waxa lagaga noolyahay baahi, inta badan mar keliya bay dadku wax dhadhamiyaan in badanina waaba laba qad ila saddex qad.


Nimanka talada haysta waxa ku fooganyihii sidii ay xoolo urursan lahaayeen.

Intaas waxa sii dheer in yaga laysku jeediyey oo ladhex- colaad iyo cadaawad bulshada dhexdeeda.

Dhiiga daatay iyo godobtu waxay ka bateen wax kasta.


Anigu waxaan ahay nin jecel Bulshada wanaaggeeda.

 

Waxaan u taaganahayl Bulshada wanaageeda.


Markastana waxaan ku fekeraya in dadka reer Somaliland loo adeego haddii ay tahay caafimaad, waxbarasho, nabad kuwada noolaansho, horumar ah nolosha iyo noolahaba


Waxaan ahay xubin ka mid ah xisbiga rajada shacabka reer Somaliland. Waxaan u taaganahay in aan qayb libaax ISBEDELKA uu xisbigu u halgamayo ee xagga wanaaga ah. Waxaan rabnaa


Guul iyo Gobanimo sharaf leh oo ka madhan qabyaalad, qaraabo-kiil iyo eexasho yaan u rajaynaya Somalilan.

Qore:- Ali Abdi Hersi.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...