BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B.],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
Ha
loo diro liiska hayda xuquuqal insaanka,inay dadkaasi u dhinteen
cunaqabataynta nalaga saaray aqoonsigayagii,aanu ku lahayn aduunka.
AADUGAN XANUUNKE,ADUUNYAD HALEELAY,
INTA UU INAGA DILAY,UMMADAHA MIDOBIYO,
AFRIKA MASUL KA AH,URURKAY KU SHEEGAN,
AQOONSIGENI DIIDIYO, EYDA XAMAR U TALISE,
ARIMAHENA LAGU XIDHAY,MASE ODHAN ILAHAY,
ASASKIYO XABAALAH,INTII DHIMATAY TIRA KOOB,
ADUUN KU DOONIMAYNE,KUWA U DOODA ADMIGA,
DAWLADAHA ISLAAMKIYO,ISRAA’ILBA GAADHSII,
ALLAHAYBA ABUURAYO,ISAGUUNBA ILAASHADA,
ABIDKOOD U HIISHOON,AFWEYNE IYO DIRKIISIYO,
USKAGII KA SOO HADHAY,AARGOOSI WELI RABA,
DUNIDUNA NOOGA EEXDEEN,AWOODEENI SIIYEEN,
INKASTABA HA GAADHEE,AYAANTAYDU WAY IMAN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!