Ed Woodward Oo Is casilay, Manchester United Oo Mushkilad Dhex Fadhida & Dunidii Ciyaaraha Oo Qas U Bilaabmay.

Wednesday April 21, 2021 - 08:39:25
Ed Woodward Oo Is casilay, Manchester United Oo Mushkilad Dhex Fadhida & Dunidii Ciyaaraha Oo Qas U Bilaabmay.

Kubadda cagta Yurub ayaa qalalaase ku dhex jirta, waxaana hadda iscasilaad ku dhawaaqay guddoomiye ku-xigeenka Manchester United ee Ed Woodward xilli ay socdaan rabshado lagaga soo horjeedo tartanka Super League iyo mudaharaadyo ay samaynayaan taageereyaashu.
May be an image of 1 person and beard

Ed Woodward oo ahaa madaxa fulinta iyo guddoomiye ku-xigeenka Manchester United ayaa shaqada ka tegay xilli kooxdu qas ku dhex-jirto oo uu khilaafyo badan abuuray Super League oo ay Manchester United ka mid ahayd kooxihii aas-aasay tartanka.

Caawa oo ay kubadda cagta Yurub qasan tahay, waxa is-casilaadda Ed Woodward ay kusoo beegantay xilli ay kooxaha Manchester City iyo Chelsea ka laabteen ka mid noqoshada tartanka Super League ee ay aas-aaskooda lahaayeen.

Ed Woodward oo hore xil kalena ka hayay UEFA, shalayna iska casiilay ayaa banneeyey shaqada kaddib culays badan oo soo fuulay, kaas oo la rumaysan yahay in mulkiileyaasha ay iskaga hor yimaaddeen go’aanka jidka kusoo jira oo ay suurtogal tahay in kooxdu kaga laabato tartanka Super League si la mid ah kooxaha kale ee Chelsea iyo Manchester City.

Manchester United ayaan war rasmi ah kasoo saarin is-casilaadda Ed Woodwar, laakiin telefishanka Sky Sports iyo wargeyska Daily Mirror ayaa labaduba xaqiijiyey in uu ka tegay shaqada isla caawa oo uu is-casilaaddiisana u gudbiyey mulkiileyaasha reer Glazer.

     
Loading...