Talooyinka uu inooga tagay Allah ha u naxariistee caalamkii waynaa ee ree Masar, Dr Ibrahim Al Fiqi, waxaa kamid ah.

Monday June 19, 2023 - 10:29:29
Hadhwanaag
Qofna waxba ha ka sugin.


1. Hurdo kugu filan seexo

2. Saacada ku buuxso oo salaada subax u kac kuna celceli digriga subaxdii


3. Qofka ugu horreeya ee aad aragto qoyskaaga kelmad wanaagsan ku dheh oo sabab u noqo dhoollo cadeyntiisa


4. Qofna waxba ha ka sugin.

5. Istaaqfurulayso 1000 jeer


6. Haddii uu qof kaa dalbado in aad caawiso caawi xataa haddii aanad garaneyn.

7. Marka aad guriga ka baxayso xidho dharka aad ugu jeceshahay.


8. Daawo muuqaal kaa qosliya.

9. La xidhiidh qof aanad la hadal mudo oo u sheeg in aad u xiistay.


10. Daawo sawiradii adiga oo yar aad gashay.

11. Isku day in aad wax uun qabato maalintii haba yaraadaane.


12. Shanta salaadood wakhtigooda ku ilaali.


W/Q Shardiid Macalin.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...