Maxaad Kala Socotaa Qorrax-madoobaadka Maanta Socda?

Monday April 08, 2024 - 09:58:16
Hadhwanaag
"kaas oo dhaca marka dayaxu si buuxda ugu beegmo marinka qorraxdu ku socoto."



Malaayiin qof oo ku kala nool dalalka Maksiko, Maraykanka iyo Kanada ayaa heegan ugu jira daawashada qorrax-madoobaad guud oo hareynaya Waqooyiga Ameerika Isniinta maanta ah.


Dayax-madoobaadka nuucaan ah oo ah mid dhif iyo naadir ah ayaa jeexaya dhabbe dhuuban oo mugdi ah, kaas oo ku dherersan bad-ka-bad (Atlantic-Pacifc).


Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto inta ay qarsoon tahay ayaa waxay haystaan fursad ay ku arkaan qorraxdii oo isku beddeshey goobaabin madow oo cirifyada un ka ifeysa.


Hooska qorrax-madoobaadka ayaa ka biillaabanaya badda Pacific ka hor inta uusan dhulka ka caga dhigan ee dalka Meksiko.


Maadama qorraxdu ku ordeyso xawaare dheereeya, hooska cadceedda madow waxay saacaddiiba jareysaa misaafo dhan 15 kun oo kiilo mitir.


Muddada mugdiga lagu jirayana waxay ku xirannaan doontaa hadba sida aad ugu beegan tahay bartamaha diillinta qoran ee ay qorraxdu ku goosheyso inta ay madowdahay.


Dadka muddada ugu dheer qorraxdu ka maqnaan doontaa waa kuwa qorrax madoobaadku dhakadooda ku aaden yahay oo mugdi ku jiraya 4 daqiiqo iyo 28 ilbiriqsi.


Qorrax-madoobaadku waa kala duwan yahay, waxaase ugu xiiso badan kan aan ka hadleyno oo Total Solar eclipse, kaas oo dhaca marka dayaxu si buuxda ugu beegmo marinka qorraxdu ku socoto.


Wakhtigaas ay bisha iyo cadceeddu isku aadden yihiin ee ayaana qorrax-madoobaad dhacaa.


BBC
     
Loading...