Dab Markuu Bakhtiyo Meel Kalaa Dogob Ka Qiiqaa ( Abdi-Shotaly).

Monday December 30, 2024 - 12:39:30
hadhwanaagtv
* N.B Dambar-kiinu Waa Jahanama Iyo Dulucdi naarde.

Umalayn maayo waxan Somalidda lagu sheegaa in ay Muslim yihiin, siday ay dhaqma-yaan markaad eeg-tana, waxay u eeg-tahay in diinta ay ku andacoodaan ee Iskaamku ee been tahay iyo afka baar-kiisa, gebi ahaana ay debedda ka joogaan marka aad arkayso ficiladda ay ku kacaan. Tusaale ahaan hadaan ( Rabbi iima geeyee), aan caayo Ilaahay iyo Rasuulkii Maxamed ahaa (CSA) cid juuq ii odhanaysaa ma jirto, hadaanse soo hadal qaado Reerka aad tahay, waxa hubaal ah dagaal faraha ka isula tagaa halkaa ka dhacaayo, una badan tahay dhimasho iyo dhaawac yimaado, weli la amaano kii markii illaahay la caayey xanaaq daayoo u damqan waayey illaahii abuurey, ee reer-koodda markii wax laga sheegay dilka geystay, sidaas awgeed waxa cadaan ah:-

(1) in ay reer hebel caabudaan ee Rabbi aanay caabudin, maadaama ay kala weyntay reer-koodu.
(2) In salaadda ay tukanayaan aanay wax-ba ka jirin, ee foodda ay dhulka dhiga-yaan ka kac tahay, sababta oo ah kuma sakaysna siddii eebbe ku sheegay ' Kitaab-kiisa"
(3) In aad si qayrul-sharci ah u disho qof Muslim ah laguuma banayn, waanad arkaysaan sidda wax u dhacayaan.
(4) Laguuma banayn in aad dhacdo maal, dhul iyo xoolo nin kale leeyahay, xataa gaalka laguuma fasaxin in aad ku samayso.
(5) in ka iska ilaaliyo Maalka agoonta, amaanadda, munaafaqadda, gar-daradda iyo wixii la mid ah.

Akhristaw lama soo koobi karo arimaha diinta ka baxsan ee aynu ku dhaqano ee sidda tooska ah uga soo hor jeedda diinta Islaamka. Hadaba marka aad eegto waxa ja socdda, sool, Sanaag, Qoru-Lugud,Gal-Mufug, Kismasyo iyo meello kalloo badan, dhamaan why ka soo hor jeedaan sidda ay ina fartay diinta Iskaamku. Rabbi haw naxariisto'e wuxu yidhi Tima-cade oo dhab ah " Dadka kama yaraateen, ee ways dabar jaray,saaye, ubaxiini waa daadi-seen, waana duba-teene, dab Markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye, dube madaxa ways-kala dhacdaan, daayin abid-kiine, darkan yaa lagaayeey,iyo intaynu isku duulayno, ee dumarku weerkii sitaan, danab-ddii waayey, kolaba doodsan maysaan, intaad dunidda joog-taane, dambar-keedu waa Jahanaba iyo dulucdi naareede. Waxan ku soo koobay, inta wixii diintu ina fartay ay inagala weyntay reer hebel, diin ma haysanee, cadaabta u wadda diyaar garoobe, jano aad gashasna haw fadhiyini, inta aad khaladka uu reer-kiinu galayo uu sax yahay, khaladka reerka kale-na uu kula xun yahay, cadaaladi jirin ee aad sax iyo khalad-ba ugu sacab garaacayso ka ku xiga, ka reerka kale ahna iyo reer-kiisaba aad neceb tahay, u diyaar-garooba in aad ehelu-naar tihiin sidaad u dhan tihiin.
* N.B Dambar-kiinu Waa Jahanama Iyo Dulucdi naarde.
Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...