* N.B Ceelka Shacabka Leh, Ninkii Shubi Jirey Bay U Shidan. Tahay!
Beri baa nin subag jaqi jirey baa wuxuu heensado-ba uu aakhirkii isku soo baxsadeen xeedhadda salkeeddii oo madhan, dabeed nin ay jaar ahaayeen, oo isahu sagxadda taayirka ku eryaayey buu weydiiyey, wuxuu ku yidhi,waar heedhe maxaan sameeyaa wuu iga dhamaaday subagiiye, ninkii baa intuu ku qoslay igu jawaabay " Dhaaxaad siddii Rah bali ku jira wishiiri-gaaga laga baxaye, anna aan beerka xadhig ku kala jaraye,ee ka soo leef imika xeedhadda salkeedda" Waxan uga socdaa siddan soo socota ee ku soo dhawaw:-
Dadka ka ooyaaya Hargeysa iyo S/Land meelo ka mid ah, xeedhaddii idin dhaaf-taye ee maraqa caba, wax badan la idin lahaa aduun-yadda sidaa kuma gudhee ee wax bedela, oo la idinku kari waayey, ee joojiya oohinta, hoognay iyo ba'ayeydda aad ilmadda qubaysaan, aduunkan maalina aad leh maalina qaarkaa ee ku a shirt waa kaydkii aad dhiga-teene. Waxan idin leeyahay " Idin-kuba dharaad ka qoslayseen dhooshee ee " Aamina qaybta Eebbahay Tani waa Aduunyoo Qosol Kuma Idlaatee" Hadaa hore macaan u dhuuqay-seen, dhadhamiya qadhaadhka lexejeclo inama dhex taalee. Horaa loo yidhi " Waa Lagu Digtaa Ruux Haduu Kuu Daraan Jiraye" u adkaysta markuun, waa tan baroor iyo jabnay idinka dhamaataye, inama dhex taallo naxariisiye, odhaah baa ahayd " Siddii hore mood oo is-waal-waal oo ha lagu dilo"
Waxan hadal ku soo xidhay, kola and far dhaqaaji-sasnba mid la mid baa la dhigayaa ee is hubsadda, inta aydin ki dhaqaaqin. Markaad sidiinii qarxi-saan shaaniddii miino baan idinku qarxinaynaa ee ku tallo galay. Markaad muxaafidka ahaydeen wixii aad samayn jirteen baa idin hor yaala, inkasta oo sidii aad samaynayn jirteen, aanan hablaha feedh-jilib naaska kala dhacay caarka ah, ragana aanan xiniin-yaha kaba askarta kala dhacayn, rasaasna huwin mayno dad mudaaharaad salmi ah samaynaaya, cabudhina aanay dhici doonin ee aad meela-haas ka buuqi kartaan, laakiin hadaad isku daydaan gacan qaadis abaal-kiin baa la idin marinara. Anaku waanu ka xishoonaynaa anshax xumiddii ay ku kici jireen maamulkii askartu iyo intii u sacab garaaci jirtey ee ku mamtay hantidda ummadda, oo ay waxaasi naga caagan yihiin, hadana ma dhici doonto xaq daraddii loogu kala eexan jirey ummadda, sir-doonkii leexsanaa, ciidamaddii askariga u adeegi jirey, Digsi-Xagato reer-koodda loo diri jirey in ay xiniin-yaha qabtaan. Sinaan, cadaalad baanu ku dhaqaynaa, ciddii wax gaar ah rabtaana iyakaa cirka roob ku og, ee bal waxay hayeen ha soo daayeen, waa lala dhigayaaye.
* N.B Ceelka Shacabka Leh, Ninkii Shubi Jirey Bay U Shidan. Tahay!
Abdi-Shotaly.