Duqa degmada Sallaxley Mudane Maxamed Cabdi Haariye, ayaa soo xidhay Kalfadhigii 10-aad ee golahaasi degaanka.

Friday June 14, 2024 - 09:19:58
hadhwanaag
Kalfadhigan tobnaad ayaa lagu ansixiyay dib-u-sixida miisaaniyada


Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, ee degmada Sallaxley Mowliid Maxamed Siciid, Xidhitaanka Kalfadhiga tobnaad ee golaha degaanka waxa ka soo xaadiray guud ahaan mudaneyaasha golaha degaanka degmada Sallaxley iyo xoghayaha dowladda hoose.

Kalfadhigan tobnaad ayaa lagu ansixiyay dib-u-sixida miisaaniyada iyo xeerka anshaxa, xeerka shaqaalaha iyo waxyaabaha laf-dhabarta u ah horumarinta degmada Sallaxley.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nuxurki ka dhashay doodii xildhibaanadu uu noqon doono waxa lagu hawlgeli doono saddexda bilood ee soo socda, sidoo kale waxay kormeereen xabsiga degmada Sallaxley oo dhismihiisu gaba-gabo yahay.

Gaba-gabadii guddoomiyaha golaha degaanka ee degmada Sallaxley Mudane Maxamed Cabdi Haariye, ayaa golaha degaanka uga mahadnaqay hawsha wanaagsan ee ay qabteen mudadii uu socday Kalfadhiga 10-aad ee golahaasi, waxaanu xusay in fulinteeda oo goluhu ku garab taagan yahay laga sugayo.
     
Loading...