Geesinimadu Waa Taad Golayaasha Keenteed,Gef Adoon Samaynayn,Gobonimo Ku Faanteed [Gobsan Ba Tusaale Ah]

Saturday June 29, 2024 - 15:45:19
hadhwanaag
Golahiaa U Sare Kacayo,Gacan Qaad Salaameen,



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


Gobsan Gabadh Yar Weeyan,Gugeedana Ka Weynoo,

Goobkastaba Ha Joogtee,Garanaysa Tanay Tahay,


Gudbisayo Tusaaliyo Garnaqsiba,Ku Sheegtayoo,

Godobna Maad Samaynine,Waa Laguu Garaabayo,


Golahiaa U Sare Kacayo,Gacan Qaad Salaameen,

Garaad Badan Waxad Tahay,Gabadh Lagu Tanado,


Gudatay Waajibkeedii,Gacalkaagi Kugu Faraxaye,

Gunta Ka Goysay Cadawge,Noolow Guyaal Badan,


Geyigaad U Dhalatiyo,Gardaadshow Abahaaiyo,

Gacalo Hooyada Run Ah,Midna Maadan Gaasirn,


Gaadhsiisay Meel Aanay,Haween Gaadhin Wayahan,

Gashay Buuga Gobanimo,Ma Gabawdo Taariikhdu,


Ma Goblame Dalkaygow,Weli Geesiyaal Nooloon,

Garanaynin Madaxdeenu,Abaalkana Dhulka Gudi.


Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...