Oraahyo naftayda iyo naftaadaba anfici doona (Q1).

Thursday November 30, 2023 - 11:00:14
Hadhwanaagtv
Naftaada waxaad bartaa khalad kasta oo au gasho eediisa..


BAR NAFTAADA.

Bar naftaada inaad ka joojisid macaansiga xumaha iyada oo doonaysa,bar inay salaada u kacdo iyadoo caajisan,bar inay soo jeedo iyadoo hurdo rabta, bar inaad ka horjoogsato wax kasta oo iyadu ay rabto.


Bar naftaada inaad u laqinto xuska Illaahay (SWT) wax naftaada anfaca waxaa laga arkaa xuska Rabbi sidaa darteed ku tarbiyee naftaada xuska Illaahay labada kelinba.


Bar naftaadu inay hadaladaada iyo ficiladaadaba ay hagaajiso.


Bar naftaada cilmikasta oo faa'iido u leh,naftaada waxa ugu badan ee aad ugu deeqdo ha noqdaan aqoon.


u sheeg naftaada wanaag kasta oo oo ay samayso inay Alle weyne agtiisa ka helayso;maadaama ay sidaa tahayna haka caajisin wanaag aad naftaada usamayso tallaabo kasta oo aad qaado ajar ayaad ka samayn karaysaa sida: inaad qodaxyar jidka ka qaado,dadka aad hadal wanaagsan kula hadasho iwm.


Naftaada waxaad bartaa khalad kasta oo au gasho eediisa inay iyagu qaadayso,xaq oma lihid qaladaadkaaga inaad cid kale ku eedo ogsoonow naftaada adaa ka mas'uul ah.


Ogaysii naftaada daqiiqad kasta oo ay dayacdo in Alle weyne kala xisaabtami doono.


Bar naftaada dareemada la mahdiyay: Alle ka cabsiga goor kasta iyo goob kasta,naxariista,dhibrinta,jacaylka iyo dhaqan kasta oo wanaagsan.


bar naftaada haddii wax weyn ay hurto inay wax weyn oo mug leh heli doonto,mar kastana ay heli doonto tamarta ay bixiso taag le'eg.


Bar naftaada inaysan qofna xaasidin u ogow mararka qaar in shakhsiyaadka kale kaa hormaraan dantaadana danta guud ka hormari,qofna haka xaqirin libin uu leeyahay........... isku dhammaatay.


W/Q Ahmed Qasaali

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...