Khilaaf Cusub Oo Ka Dhex Istaadhmay Dawlada Hoose Ee Hargaysa.

Wednesday February 14, 2024 - 14:18:47
hadhwanaag
"Cabdikariim Mooge iyo Khadar Nuur ayaa isku haya arrimo la xidhiidha maamulka "


Hargaysa (HWN) Maayirka iyo ku-xigeenka Hargeysa ayaa markale khilaaf soo kala dhexgalay arrintaasi oo sababtay in uu maanta furmi waayo fadhigii golaha Deegaanka Hargeysa.


Cabdikariim Mooge iyo Khadar Nuur ayaa isku haya arrimo la xidhiidha maamulka iyo hawlo la xidhiidha maaliyadda,dhulka golaha deegaanka.


Xildhibaano ka tirsan golaha Deegaanka oo guddi ah ayaa loo xil saaray khilaafka labadan masuul sida ilo xogogaali ahi ay  sheegeen .


Dhawaan ayaa la dhammeeyay khilaaf sidan oo kale ah oo labada mas’uul hore u dhexmaray.


Khilaafkan ayaa ku soo beegmaya xili Xilalkii laga qaaday qaar kamid ah maayarada degmooyinka Somaliland oo sidan oo kale khilaaf uga dhex qarxay.
     
Loading...