UK oo Rwanda siisay £100m Oo Dheeri Ah Si Loo Dardargiliyo Heshiiska Magangalyadoonada.

Saturday December 09, 2023 - 07:24:20
hadhwanaag
"Sir Matthew Rycroft ayaa sheegay in lacag kale oo dhan £50m la filayo sanadka soo socda."



 

UK ayaa Rwanda siisay £100m oo dheeri ah sanadkan, taasoo qayb ka ah heshiiskii ay dad magangelyo doonka ah ee jooga UK ugu rari lahayd halkaas.

 

Lacagtan ayaa la bixiyay bishii Abriil, shaqaalaha rayidka ah ee ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warqad u diray xildhibaannada, ka dib markii £140m mar hore loo diray waddanka Rwanda.

 

Sir Matthew Rycroft ayaa sheegay in lacag kale oo dhan £50m la filayo sanadka soo socda.

 

Arriintan ayaa timid saacado ka dib markii Rishi Sunak uu wacad ku maray inuu "dhammayn doono shaqada" ee uu dib u soo noolaynta qorshahaas ka dib markii uu is casilay wasiirkiisii ​​socdaalka toddobaadkan.

 

Qorshaha loogu dirayo qaar ka mid ah magangalyo-doonka dalka Rwanda si ay uga baaraandegaan oo ay suurtagal tahay in dib u dejin halkaa loogu sameeyo, si dadka looga joojiyo in ay ka gudbaan Channel-ka Ingriiska iyagoo isticmaalaya doomaha yar yar, waxaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Boris Johnson bishii Abriil 2022.

 

BBC

     
Loading...