Maxkamad ku taal
Kuuriyada Koonfureed ayaa nin 68 jir ah ku xukuntay 14 bilood oo xarig ah,
kadib markii uu gabay ku ammaanay Waqooyiga.
Lee Yoon-seop ayaa
gabaygaan tirayay sannadkii 2016-kii, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada
Koonfureed.
Waxa uu gabaygiisa ku
sheegay in haddii labada Kuuriya ay ku midoobi lahaayeen nidaamka hantiwadaagga
ee Pyongyang, dadku ay heli lahaayeen guryo, daryeel caafimaad iyo waxbarasho
bilaash ah.
Waxaa lagu helay dambi
sida uu dhigayo sharci mamnuucaya in dadweynaha ay ammaanaan Kuuriyada Waqooyi.
Gabaygan oo
cinwaankiisu ahaa (sida ay u midoobi karaan labada Kuuriya) waxaa kale oo uu
sheegay in Kuuriyada midaysan, ay dad aad u yar baahi ku jiri lahaayeen
Waxa uu Internet-ka soo
dhigay faallooyin uu ku ammaanayo millatariga Kuuriyada Waqooyi sanadkii
2013-kii, isaga oo ku dhejiyay qoraallo ka dhan ah dawladda Kuuriyada
Koonfureed.
BBC