Taariikhdu markii ay
ahayd 26-kii Juun, waxaa barta Facebook la soo dhigay muuqaal la soo raaciyey
qoraal dhahaya "Tani waxaa micnaheedu yahay in aan arki doonno internetka oo
go’a”.
Waxaa kaloo ka muuqday
nin dhahaya "Qoyskiiyow, Waxaan rajaynayaa inaad diyaar tihiin, sababtoo ah ma
jiro khadka internetka oo dhakhsiyo u soo noqon doona”.
Fiidiyowga waxaa kaloo
qaybihiisa dambe ka muuqanaya sawirrada aaladda hawada sawirrada ka soo qaadda
ee Parker Solar Probe oo ninka gadaashiisa ka muuqda. "Tani waa aalladda ay u
direen inay joojiso " ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Wargaysyada qaarkood,
sida USA Today, waxay sheegayaan in arrintaas ay been tahay. "Parker Solar
Probe waxaa loo diray inu qoarraxda daraasad ku sameeyo, ee nagama joojinayo
internetka inuu go’o” ayuu qoray wargaysku.
Inkastoo duufaannada
qorraxda ka yimaada ay aragti ahaan khalkhal gelin karaan isgaarsiinta, misna
hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA , marnaba hawsha aaladdaas
lama aysan xiriirin ka hortagga internetka oo go’a.
Parker Solar Probe
waxaa la diray Agoosto 2018 si uu darasad ugu sameeyo qulqulka tamarta ka
timaada qorraxda, kulaylka lakabyada qorraxda ku gadaaman, waxa karaa siiya
dabaylaha qorraxda sida ay sheegtay Denise Hill oo afhayeen u ah NASA.
Hill waxay sheegtay in
sheegashada ah in NASA ay ogaatay muddo laga joogo 10 sano in ka badan in
dabaylaha qorraxda – oo ah qurubyo danabaysan oo ka imaanaya dahaarka sare ee
qorraxda – ay suurtogal tahay inay khalkhal galin karaan qalabka isgaarsiinta.
Qorraxda ayaa samaysa
wareeg 11 sano ah, ayadoo muddadaas firfircoonidseeda ay marna hoosayso, marna
sarrayso, waxaana ala filayaa in xilliga soo socda ee firfircoonideeda ay
sarrayn doonto lagu wadaa inuu noqdo 2024 ama 2025.
Parker Solar Probe
wuxuu durba ka jawaabay mid ka mid ah su‘aalaha muhiimka ah, waana "hanaanka
abuura dabaylaha qorraxda ee xoogga badan” ee qurubyo danabaysan u soo tuuri
dhinaca koonkeenna daqiiqado gudahood. Khubaro Dhawaan qoraal ka diyaariyey
ayaa sheegaya xogta ay aaladaas bixisay inay gacan ka gaysan karto mustaqbalka
duufaannada qorraxda ka imaanaya.
"ma jirto caddayn
muujinaysa in ay abiiri karaan saamayn aad u daran oo internetka ku timaada
muddada fog” ayey tiri Hill.
Cabsida in gabi ahaanba
uu internetku ka go’o dunida ma aha mid jirta, laakinse NASA waxay ugu yaraan
tan iyo 2009 ka digeysay in dabaylaha qorraxda iyo waxyaabaha "maatarka” loo
yaqaano ee mararka qaar ka soo faniina qorraxda ay Khalkhal galin karaan xarumaha
korantada, ayna sababi karaan qulqul koranto oo xad dhaaf ah oo Khalkhal galiya
waxyaabaha fiilooyinka (waayirrada) isaga kala gudba. Laakinse marnaba ma aysan
isticmaalin kalmadda ah "internetka oo dunida ka go’a”.
BBC