Maamulka isgaarsiinta
ee dalka Kenya ayaa sheegay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay uu dalku la
kulmay 860 milyan oo weerarro dhanka internetka ah.
Maamulaha ayaa sheegay
in "tirada xajimiga weerarada soo noqnoqda" ee lagu
bartilmaameedsanayo kaabayaasha macluumaadka muhiimka ah ee Kenya ay si aad ah
u kordheen.
2017, Kenya waxa ay la
kulantay 7.7 milyan oo weerar dhanka internetka ah.
Bishii Luulyo, weerar
dhanka internetka ah oo caan baxay oo loo aaneynayo kooxda Ruushka ee xogaha
jabsada kuwaas oo hulaabtay magaca Sudan ayaa jartay marinka in ka badan 5,000
oo adeegyo dowladeed oo internetka ah oo dalkaas ku yaal, oo ay ku jiraan
fiisaha, baasaboorka iyo codsiyada leesanka wadista wadista gawaarida iyo
cusbooneysiintooda.
Weerarku waxa kale oo
uu curyaamiyay nidaamka tikidha tareenada onlaynka ah iyo wax kala iibsiga
lacagta mobaylada.
Hay’adda Isgaarsiinta
Kenya ayaa Isniintii sheegtay in 79% weeraradii la diiwaan geliyey 12-kii bilood
ee la soo dhaafay ay sababeen dembiilayaal dhanka Internetka ah oo gudaha u
galay nidaamyada kombuyuutarrada ee hay’adaha.
Sida laga soo xigtay
khubarada, Kenya hadda waa dalka seddexaad ee ugu badan ee dambiilayaasha
internetka ee Afrika ay bartilmaameedsadaan, marka laga reebo Nigeria iyo
Koonfur Afrika.
BBC