Maraakiib dagaal oo
laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gaadhay dekedda magaalada Lagos ee dalka
Nigeria, arrintaas oo kor u qaaday dareenada laga qabo, in Shiinuhu uu doonayo
inuu saldhig milateri ka samaysto gacanka muhiimka ah ee Guinea.
Saraakiisha Shiinaha
iyo Nigeria ayaa safarkan ku macneeyey in looga dan leeyahay kor u qaadista
xidhiidhka ammaanka ee dhinaca badda ee gobolkaas, halkaas oo ay marar kala
duwan ka dhacaan, falal budhcad-badeednimo ahi.
Shiinaha oo haatanba
saldhig milateri ku leh dalka Djibouti ayaa la rumaysan yahay inuu qorshaynayo
inuu saldhigyo kale samaysto.
VOA oo weydiisay
saraakiisha safaraadaha Shiinaha ee Nigeria iyo Washington, in Shiinuhu uu
doonayo in ujeedada safarkani ay la xidhiidho sidii Shiinuhu uu saldhig labaad
uga samaysan lahaa qaaradda Afrika, ayaa labada xafiisba ay diideen inay ka
falceliyaan.
Wasaaradda arrimaha
debedda ee Maraykanka ayaa iyada lafteedu ka gaabsatay inay ka jawaabto su'aal
arrintan la xidhiidhay, iyaga oo VOA u sheegay "inaanay doonaynin inay
xakameeyaan, cidda ay dalalka Afrika iskaashiga la samaynayaan. Hase ahaatee ay
dalalka Afrika u bandhigayaan, doorashooyin, faa'iidooyin wata oo la xidhiidha,
nidaamkeena maamulka dawliga ah iyo nooca iskaashiga dhaqaalaha".
Warbixintan waxaa qortay
Kate Bartlett