Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Ayaa Gabadh Labadeeda Waalid Kaligeed Dhaleen Lasoo Doonay, Ka Dib Hooyadii Ayaa Iyadoo Faraxsan Soo Qaadatay Warqad Iyo Qalin Waxaanay U Qortay Warqadan Oo Ka Kooban 6 Dardaaran.
Warqadu Waxay Ku Bilaabmaysaa;
Hooyo Maanta Waxaad Ka Baxday Gacantayda, Waxaanad U Wareegaysaa Nolol Iyo Qof Kale Oo Cusub. Maalinta Farxadaada Waan Ku Faraxsanahay Innaad Noqonayso Qof Weyn Oo Reer Leh. Ma Xasuusataa Maalmihii Aad I Odhan Jirtay Aan Banaanka U Baxo Ee Aan Kuu Diidi Jiray? Maanta Adiga Ayaa Masuul Ka Noqonayaa Noloshaada, Odaygaaga Iyo Carruurtaadaba. Inantaydiiyeey Ogow In Maanta Laga Bilaabo Adiga Gacantaada Farxada Qoyskaaga Ku Jirto. Waxaad Noqonaysaa Hooyo, Waxaanad Masuul.
Hooyo Waxaan Maalintan Farxadaada Kula Wadaagayaa Talooyinkan. Ogow Hooyo Haddii Aad Sidooda U Ilaaliso Talooyinkan, In Qoyskiinu Qurux Iyo Farxad Daris La Ahaan Doonaa Insha Allah.
1. Inantaydiiyeey Ninka Ku Guursanaya, Maanta Laga Bilaabo Ha Ula Dhaqmin Sidii Aad Isku Shukaansan Jirteen. Jacaylkaaga, Isqurxintaada Iyo Hadyadahaad Isa Siin Jirteen Sii LibinâLaaba, Waayo Jacaylku Waa Biyaha Lagu Waraabiyo Nolol Aad U Qurux Badan.
2. Ninkaaga Haku Dhago Adkaanin, U Dulqaado Xiliyada Uu Daalan Yahay. Waayo Wuxuu Ku Mashquulsan Yahay Sidii Uu Noloshaada U Qurxin Lahaa. Ku Ixtiraam Xiliyada Uu Doonayo Innuu Kaligii Meel Joogo.
3. Haddii Aad Isku Xanaaqdaan, Maalmo Hakaga Maqnaanin Cadho. Waayo Qosolkaaga Iyo Soo Noqodkaaga Waxa Ku Xidhan Mustaqbalka Carruurtiina.
4. Hooyo Wakhtigaaga Ugu Badan La Qaado Carruurtaada Iyo Odaygaaga, Waayo Waa Kuwa Ugu Badan Ee Noloshaada Saamaynta Ugu Badan Ku Leh, Kuna Lahaan Doona.
5. Gabadhaydiiyeey Islaanta Wiilka Dhashay, Yacni Soddohdaa Ula Dhaqan Sida Aniga Oo Kale. Waayo Waxay Dhashay Qof Noloshaada Quruxdeeda Saamayn Ku Leh Dadkana Aad Kaligii Iska Soo Doorateen. Xasuusnow Goor Kasta Sidaad Ii Ixtiraamto.
6. Siraha Adiga, Odaygaaga Iyo Carruurtaada Idin Dhex Marnaba Hala Wadaagin Cid Kale, Waayo Dadku Raali Kama Wada Aha Innaad Noqotaan Qoys Faraxsan Xili Kasta. Ilaali Siraha Reerkaaga Hooyo.
Waan Ku Jecelahay Inantaydiiyeey.
W/Q: Maxamed Faysal Cali.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!