Rwanda ayaa isu diyaarinaysa "marxaladihii ugu horeeyay” ee xidhiidhkeeda ay la yeelanayso maamulka Trump si ay u qaabilaan muhaajiriinta uu Maraykanku ka soo tarxiilayo dalkiisa, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee bariga Afrika Olivier Nduhungirehe.
Hadaladiisa ayaa imanaya ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio uu sheegay bishii hore in Washington ay "si firfircoon u raadineyso” waddamo ka qaata wax uu ku sheegay "qaar ka mid ah bini’aadamka aadka loo quudhsado”. Isaga oo u jeeda muhaajiriinta jeelasha lagu hayo.
Nduhungirehe waxa uu sheegay in wada hadalku aanu ahayn wax ku cusubRwanda maadaama ay Rwanda hore u aqbashay inay qaabilaan dadka soogalootiga ah ee ay UK musaafuriso.
Hase ahaatee, Boqortooyada UK ayaa ka noqotay nidaamkaas, ka dib markii ay wajahaday ka hor imaasho badan oo dhinaca sharciga ah isla markaana ay timi xukuumadda Keir Starmer ee Labour-ka la wareegtay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.
Isaga oo la hadlayay TV-ga Rwanda Axadii, Nduhungireh wuxuu sheegay in dowladda ay ku jirto "ruux” si ay "fursad kale u siiso dadka muhaajiriinta ah ee dhibaatooyinka ku haya adduunka oo dhan”.
Nduhungirehe ayaa intaas ku daray in wadahadallada ay kula jiraan Maraykanka ay sii socdaan, ayna xilli hore tahay in la saadaaliyo natiijooyinkooda.
Tan iyo markii uu xafiiska yimid bishii Janaayo, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu diiradda saaray dardargelinta soo saarista muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, isaga oo ballan qaaday "masaafurin ballaadhan”.
Bishii Febraayo, El Salvador waxay soo bandhigtay in ay qaado dembiilayaal laga soo tarxiilay Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa haysta dhalashada Maraykanka, oo lagu hayo xabsiga weyn ee ku yaalla.
Madaxweynaha Salvadoria Nayib Bukele ayaa sheegay in dowladiisa ay sidaa u sameynayso "si ay lacag ugu bedelato”.
Panama iyo Costa Rica ayaa sidoo kale qaatay muhaajiriin laga soo tarxiilay Maraykanka.
Toddobaadkii hore sarkaal aan la magacaabin oo reer Rwanda ah ayaa u sheegay Washington Post in waddanku "u furan yahay” inuu qaabilo muhaajiriin badan oo laga soo tarxiilay Maraykanka, ka dib markii uu aqbalay dad Ciraaqi ah bishii Maarso.
Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in wadahadallada lala yeelanayo Maraykanka ay bilowdeen wax yar ka dib markii Trump uu xilka la wareegay bishii Janaayo.
Rwanda ayaa horay loogu dhaleeceeyay xaaladeeda xuquuqul insaanka, oo ay ku jirto halista ah in dadka loo diro dalka ku yaala bariga Afrika in mar kale loo masaafuriyo dalal ay khatar kala kulmi karaan.
Si kastaba ha ahaatee, Rwanda waxay sheegtay inay tahay meel ammaan ah oo ay ku nool yihiin qaxootiga.