*Hordhac: Dunida Hogaan Ma La'aan Bay Noqonaysaa?
Waa maqaal cilmiyeed qoto dheer oo aragti ku saabsan iyo hogaanka dunida, taariikhda dulmiga, iyo xaaladda siyaasadeed ee Maraykanka Maanta.
*Maraykanka, Hogaanka Dunida, iyo Dhibaatada Siyaasadeed: Diraasad Cilmiyeed oo Qoto Dheer .
*Hordhac: Dunida Hogaan Ma La’aan Bay Noqonaysaa?
Taariikhda aadanaha waxay maraysaa marxalado kala duwan oo ay hogaamiyeen quwadaha waaweyn: Faraaciintii Masar, Giriiggii falsafadda, Romankii xeerka iyo nidaamka, imbiraadhooriyadii Islaamka ee cadaaladda, iyo quwadihii reer Yurub ee gumeysiga ahaa iyo Maraykanka oo dagaalkii 2-aad kadib noqday hogaanka ugu saameynta badan qarnigii 20aad, isagoo dunida u horseeday Xiriyad dimuqraadiyad, xuquuqda aadanaha, iyo nidaamyo caalami ah oo dhexdhexaad ah.
Laakiin maanta, hogaankaas wuu liitay. Su’aasha weyn ayaa ah:
Yaa bedeli kara Maraykanka hadii uu meesha ja baxo? Shiinaha? Midowga Yurub , Ruushka?
Mise dunidu waxay u baahantahay hogaan cusub oo falsafad, diin , dhaqan , masuuliyad, iyo garasho leh?
*Dulmigii Taariikhiga ahaa ee Maraykanka iyo Saameynta Caalamiga ah .
Maraykanku wuxuu lahaa taariikh xun oo madow oo ku saabsan xasuuqii iyo dhul-boobkii uu ku sameeyay dadka asalkoodu yahay reer Indiyaanka cas.
Waxaa la burburiyay dhaqankoodii, diintoodii, iyo jiritaankoodii. Dulmigaas wuxuu noqday bilowga nidaam gumeysi iyo faquuq ah oo ku fiday dunida inteeda kale.
Intii uu Maraykanku hogaanka hayay, waxaa la arkay horumar la taaban karo: xoriyadda qawmiyadaha, dunida oo han,
burburka gumeysiga reer Europe, horumarka tiknoolajiyadda, iyo nidaamka caalamiga ah ee hay’adaha sida Qaramada Midoobay.
Laakiin sidoo kale waxaa jiray dagaallo, faragelino, iyo siyaasado dan gaar ah leh oo dhaawacay dalal badan.
*Falsafadda, Diinta, iyo Garashada Hogaanka: Maraykanka vs Shiinaha .
Maraykanku wuxuu ku dhisnaa falsafad xoriyad , dimuqraadiyadeed, diin xor ah, iyo garasho ku saleysan cilmi iyo hal-abuur.
Shiinaha, inkastoo uu yahay quwad dhaqaale, wuxuu ka liitaa dhinacyada xoriyadda, falsafadda siyaasadeed ee caalamiga ah, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo diin la'aan iyo garaad iyo aqoon aanu u lahayn umadaha dunida.
Shiinuhu ma aha hogaan mana noqon karaayo hogaan caalami ah oo la isku haleyn karo, waayo:
- Ma laha nidaam dimuqraadi ah oo la aqbali karo.
- Ma wato falsafad caalami ah oo dadka mideyn karta.
- Ma aqoonsana xuquuqda aadanaha sida ay u aqoonsan yihiin hay’adaha caalamiga ah, uma laha aqoon umadaha dunida.
*Donald Trump iyo Burburka Haybadda Maraykanka .
Madaxweyne Donald Trump wuxuu bedelay wejigii caalamiga ahaa ee Maraykanka:
- Wuxuu hoos u dhigay doorkii Maraykanka ee hay’adaha caalamiga ah sida WHO iyo UN.
- Wuxuu xoojiyay siyaasadda "America First” taasoo keentay kala fogaansho caalami ah.
- Wuxuu hoos u dhigay doorkii dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo caddaaladda. Xoriyadio caalamiga ahayd iyo dadka
- Wuxuu burburiyay kalsoonidii diblomaasiyadeed ee Maraykanka.
Natiijadu waxay noqotay in dunidu ay u janjeedhsato xasilooni darro, is-aamin la’aan, iyo tartan quwadeed oo aan falsafad iyo garasho lahayn.
*Maxaa Laga Baranayaa Taariikhda? Yaa Hoggaamin Kara Dunida?
Dunidu waxay u baahan tahay hogaan:
- Leh falsafad mideysa aadanaha.
- Aqoonsan xuquuqda aadanaha.
- Wata nidaam caddaaladeed oo caalami ah.
- Aqoon u leh dhaqamada kala duwan ee dunida. Xoriyad iyo maamul dimuqraadiyadda.
.Maraykanka wuxuu weli hayaa fursad uu ku hagaajin karo khaladaadkii dhacay ee DonaldTrumpuu sameeyay, haddii uu dib ugu laabto:
- Dimuqraadiyaddii dhabta ahayd.
- Diblomaasiyad caalami ah oo dhexdhexaad ah.
- Xoriyadda iyo sinaanta dhamaan qawmiyadaha.
*Gunaanad: Dunida Ma Hogaan La’aan Bay Noqonaysaa?
Haddii Maraykanku dib u saxayo siyaasaddiisa, wuxuu weli noqon karaa hogaan caalami ah oo lagu kalsoonaan karo.
Haddii kale, dunidu waxay u janjeedhsan kartaa xasilooni darro, tartan quwadeed, iyo hogaan aan falsafad lahayn iyo dagaalo ku salaysan sida loo kala xoog weyn yahay.
Dunidu waxay u baahan tahay hogaan leh:
- Xikmad.
- Caddaalad.
- Aqoon.
- Diin iyo falsafad mideysa aadanaha. Awood u dhaxaysa caalamka oo hawada iyo badaha ilaaliaa.
Diraasad: Cali Biixi