HADHWANAAGNEWS
Cabdikariim Axmed Mooge, Maayarka magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo buuxiyey dhammaan shuruudihii qaran looga baahnaa, isla markaana diyaar u ah inay la macaamisho dalalka caalamka.
Maayar Mooge ayaa sheegay in uu kulan rasmi ah la qaadan doono Maayarka iyo Golaha Deegaanka ee Bristol inta uu ku sugan yahay Boqortooyada Ingiriiska, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa qaddiyadda Somaliland.
Waxa uu sidoo kale guul weyn ku tilmaamay in Somaliland ay tahay qaran aan wax deyn ah lagu lahayn, xilli ay dalal badan oo dunida ka mid ahi la daalaa-dhacayaan culays deymo badan.
Maayar Mooge oo arrintan ka hadlayay ayaa yidhi:
"Maalmaha aan joogayo UK way kooban yihiin, balse waxaan u imi ballan aan la lahaa Maayarka iyo Golaha Deegaanka Bristol. Waxaan rajaynayaa in dalkeennu guulaysto oo qaddiyaddeennu gaadho dhagaha caalamka. Dowladda Ingiriiska waxa inaga dhexeeya taariikh wadaag ah, 34 sannona waan buuxinnay shuruudihii qaran looga baahnaa. Waa arrin lagu faano in maanta Somaliland tahay qaran aan dayn lagu lahayn, xilli dunidu ay dayn la ciirciirayso.”
Gebogebadii, Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo aqoonsiga iyo iskaashiga caalamiga ah.