hadhwanaagnews
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inaannu jiri doonin masuul ka tirsan dowladda Maraykanka oo ka qaybgali doona shir-madaxeedka Kooxda G-20 ee ka dhici doona Koonfur Afrika dabayaaqada bishan, sababo uu ku sheegay "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” oo ka socda dalkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa go’aankaas ku tilmaamtay mid "nasiib darro ah,” waxayna mar kale diiday eedeymaha Trump ee ah in dadka cadaanka ah ee dalkaas lagu takooro ama lagu dhibaateeyo sababo la xidhiidha jinsiyadooda, iyada oo Koonfur Afrika ay tahay dal ay dadka madow ku tiro badan yihiin.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ayuu Trump ku sheegay, "Waa ceeb weyn in shirka G20 lagu qabto Koonfur Afrika,” isagoo intaa ku daray in Dadka ka soo jeeda Nederland-ka, iyo sidoo kale soo-galootiga Faransiiska iyo Jarmalka, waa la dilayey oo la gowracayaa, dhulkooda iyo beerahoodana si sharci darro ah ayaa looga qaadanayaa.”
"Ma jiro masuul ka tirsan Dowladda Maraykanka oo ka qayb geli doona inta ay xadgudubyadan Xuquuqda Aadanaha socdaan. Waxaan rajeynayaa inaan ku martigeliyo shirka G20 ee sanadka 2026 magaalada Miami, Florida!” ayuu Trump yidhi.
JD Vance ayaan u safri doonin sida xogo ay sheegeen
Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, oo la filayay inuu ka qayb galo shirka G-20 oo lagu qabanayo Johannesburg Noofambar 22–23, ayaa hadda la baajiyey safarkiisa, sida ay sheegen ilo xog ogaal ah oo arrinta la socda.
Trump ayaa si cad uga soo horjeestay siyaasadaha gudaha iyo dibadda ee Koonfur Afrika — laga bilaabo siyaasadda dhulka ilaa dacwadda ay Koonfur Afrika u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ku saabsan eedeynta Israa’iil.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay ogaatay qoraalka "nasiib darrada ah” ee uu Trump ku daabacay baraha bulshada, waxayna mar kale ku celisay diidmadeeda joogtada ah ee ku aaddan eedeynta sheegaysa in dadkaas lagu dulmiyo ama lagu cadaadiyo gudaha dalkaas.
Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Koonfur AfrikaXigashada Sawirka,Reuters
"Eedda ah in bulshadan lagu hayo cadaadis ma laha wax caddayn ah oo dhab ah,” ayay tiri wasaaradda, iyadoo intaas ku dartay in taariikhda Koonfur Afrika ee la xidhiidhta takoorka jinsiyadda ay siisay khibrad ay dunida kaga caawin karto sidii loo xallin lahaa kala qaybsanaanta iyada oo loo marayo madasha G20.
"Qarankeenu wuxuu si gaar ah ugu taagan yahay inuu ku guuleysto G20 mustaqbalka midnimo dhab ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda iyadoo intaas la raaciyey inay rajeynayso inay martigeliso shir-madaxeed guul leh.
Horraantii sanadkan, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa isna ka baaqday shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee G20 ee lagu qabtay Koonfur Afrika, taasoo haysa madaxtinimada G20 laga bilaabo Disembar 2024 ilaa Noofambar 2025.
Sanad kasta, dowlad xubinta ka ah ayaa martigelisa G20-da waxayna dejisaa ajandaha shir-sare – iyadoo Maraykanku uu noqon doono dalka xiga kadib Koonfur Afrika ee la wareegaya madaxtinimada G20 marka Koonfur Afrika muddadeeda dhammaato.
G20 waxaa la aas aasay 1999 ka dib xiisadda dhaqaale ee Aasiya. Waddamada ku lugta leh waxay haystaan in ka badan 85% hantida adduunka, ujeeddaduna waxay ahayd in dib loo soo celiyo xasillooni dhaqaale.
Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee hoggaamiyeyaasha ayaa la qabtay 2008 si looga jawaabo jahawareerka maaliyadeed ee adduunka ee sannadkaas, si kor loogu qaado iskaashiga caalamiga ah.
Hadda madaxdu waxay isu yimaadaan sannad kasta – oo ay weheliyaan wakiillo ka socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika – si ay uga hadlaan dhaqaalaha adduunka iyo arrimaha dalalka ay wajahayaan.