Mudanahan oo ka mid ah Xildhibaanada u ololeeya Jiritaanka Somaliland
Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibada ee Baarlamaanka Maraykanka Jim Risch, R-Idaho, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sheegashada Xukuumadda Muqdisho ee Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal Madax banaani ku naaloonayay Ku dhawaad Afartan sano.
Mudanahan oo ka mid ah Xildhibaanada u ololeeya Jiritaanka Somaliland oo Dabo socda Xayiraada ay Xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya ku soo rogtay Baasaaboorka Taiwan ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay u hogaansantay Damaca Indho la’aanta ah ee Shiinaha.
Waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya oo u hanqal tagaysa Somaliland ay dhexda u fadhido dhul ay caadi ka tahay ka Ganacsiga hubka sharci darada ahi iyo nimaamyada Mayalka adag.