Burco (HWN) Cabdirisaaq Hero ayaa loo doortay maayirka degmada Burco halka Mukhtaar Baaryare-na loo doortay maayar ku xigeenka degmada Burco, 12 Xildhibaan ayaa u codeeyey mid kasta,taasi oo ka dhigan in cod aqlabiyad ah lagu doortay.
Dhalinyaradan ayaa Burco hogaamin doona 5-ta Sanno ee soo socota waxaanay labada mudaneba ka soo baxeen Xisbiga UCID.