Mamulka Puntland Oo Si Hor Dhac Ah Uga Hadlay Khasaaraha Roobabka Dabeylaha Wate Ee Ka Da'aya Deegaanadeeda
Hargeysa(HWN):- Dowlad goboleedka Puntland ayaa warbixin horu-dhac ah ka
bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay oo inta badan
gobolada Puntland.
Agaasimaha hay'adda masiibooyinka Puntland, Cabdulaahi Axmed Ceyrow oo
la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qoys uu
khasaare kasoo gaaray Roobka, kuwaas oo xoolahooda ay biyuhu la tageen.
Agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay in
isgaarsiinta oo meelaha qaarmood ka maqan aan weli lagu guulaysan in xogtooda
la helo, taasoo hadda lagu mashquulsan yahay helitaanka xogtooda.
Ceyrow waxaa kale oo uu beeniyay in habo
yaraatee aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay roobabka, waxa uu sheegay
labo doonyood oo kalluun siday oo ku rogmaday badda, kuwaas oo mid kamid ah
shaqaalahoodii lagu la'yahay badda iyo mid dhaawacmay.
Ugu dambayn wuxuu sheegay in maamulku muddo
24saac kadib ay warbixin rasmi ah kasoo saaridoonaan waxyeelada ka
dhashay Roobka.
Hadhwanaagnews