Ramaaxaw Nabsi-Gaad Gashaa Guudka Kuu Sudhane ( Abdi-Shotaly).

Friday December 27, 2019 - 12:07:00
Hadhwanaagtv
Ramaaxaw, Nabsigu waa daruurha cirkaa iyo sidda dabay-shaase
" Gadaal buu ka aaraa nabsigu, siddii aar golaaf-tamaye, waax-yahuu ku gooyaa, oo kugu gadoodaaye, gudin-taad afaysay hadeer, kugu garaaceene, wax-ba hay galgalan, sawdiggi Oromo ii geliye". Cali dhuux baa laga hayaa isna" Waa lagu digtaa, ruux haduu kuu daraan jreye, bal dayaay wadaadkii wa kaas sii dabay-shadaye" Waa Ayan-ba-yaane, xasuuso imika oo dib ugu noqo maah-maah-ddii ahayd " Halkaad nin ka qaadato-ba, ogaw nin kale baad kaga tegay-saaye", Abwaan qaasim (Ihun) baa isna waxa ka mid ahaa murti-diisii aan ka dhaxalay " Ninka Godobta galay, kuu u galay, baa gadaal dila'e" Sidaas awgeed, intaan sare ku soo sheegay iyo suugaan badan oo kale, oon halkan lagu soo koobi karin, baa maanta ramaaxaw ku soo dabar-taye, hayga filin in aan kuu jixin-jixo,"Guhaadi naf-taadda, waa adigaa goob xun yuurura'e"  Waa adiggii ku sifoobay, maalmihii aad Burco doobta ridaysay, murtiddii ahayd "Rag calooshiisa la ciyaar iyo ciil kama koraw darane" Marna halkan ma soo dhigatay kaad u gelaysay Eexdda, iyo denbiga boobka ah, ee colaadda sokeeye ugu gargaa-raysay, baa maanta xabsiga ku dhigi? Allahayaw wakhtigu u daranaa nin jilicsan, oo awood ku hoos gabanaaya, tii illahay-na ka dambayso iyo xil doonis, iskuna halay-naaya maamul mid cuqdad qabaa walaaqaayo. Waayo'arag-nimo la'aanay ba'. Waxay ku soo wareejiso-ba, caawa saw ilmadda ka daadin maysid qol qudhmuun, ku abshir baan ku idhi, nin kasta oo kibra maalin buu eedi xumaantii uu galab-sadaye.


Waxa-ba haw qayshan Ummadda reer somaliland, hore baad u kadaye, hadaan in yar taariikh-daadda ku kebi-siiyo, waxad ahayd ka laga hayo arimahan hoos ku yaala, ee u adkayso waa abaal-kaaye, waana tane iga qabo, malaha imika markii aad jeelka gashay baa miyirkii kugu soo degaye, haddii aanad weli waalidii ku jirin-ba, wan weyni ilaa la gawraco indhi-hiisu cirka ma arkaane:-

(1) Waxad ahayd ninkii ku diganaayey " Xasuuqii ka dhacay Jaamac dubad" ee adiga oo jooga "Hudheelkii Maansuur" Markii weriye ku weydiiyey, Sidee baad u aragtaa Xasuuqa ay u geysteen " Liyuu Booliiska Kiilka Shanaad " Ku jawaabay waan ku faraxsa-nahay in la laayo. Mar kale uu kugu celiyey weriyihii, Maxaad sidaas u odhanaysaa waa Ummad Reer Somaliland ahe? Ee aad misna ku celisay, Reer Somaliland maahee waa " Oromo" Ee baga baa loo laayey.

(2)  Foodkii uu boobay askariga aad hadeer leedahay wuu xidhay, kii burco wixii la ogaa ka samay-naayey miyaanad ahayn? Ee inta uu sanaaduuq-ddii qaatay gurigiisa dhigtay, ee laga helay markii la tirinaayey, qaar uu soo samaystay, oo aan lahayn lambarkii komishanka, ee yidhi khasab ku tiriya.

(3) Miyaanad ahayn kii Muraaqi-biintii Waddani, inta uu ka soo saaray xaruntii ( santarkii ina cabdale Xasan) lagu tirinaayey, ee u dhaw Waddii Hargaysa looga bixi jirey ee hore, xidh-xidhay dhamaan-tood, inta uu been ka sheegay ee yidhi, isaga oo sabab uga dhigay, waxay la dagaalameen Shaqaalihii waraaqaha bixi-naayey.


Dunidu waa ayaan aad malab jaqayso iyo maalin aad dhadha-minayso mur iyo deebaaq, ninka ragga ahi ee fekerayaa, intuu ladan yahay buu wax dhawr-sadaa, Ramaaxaw ka adiga oo kale ahina, wuxu noqdaa laguma dhaamee dhaqaaq, waxanu isku haleeyaa awoodda ka adeegsa-naaya, nin liita iyo mid sadaadda ahiba kama dabaasho xilalka Ummadda, ee wuu fadhaq boodaa, marka ay ku soo oodanto-na cabaadka buu ka wadhaa, waa-se goorma, waa goor uu wiish kula sare kacaye, oo aanad wax-ba ka qaban karine. Horaa loo yidhi " Fadhi-yare geel, fucule rag iyo fududda haween, mid-na faa'iido ma laha" Waxan uga socdaa oo aan ku soo raad jaray maqaalkan, marka hore ee ay malgacadu kuugu jirto jooga muqmadda ah, baa la iska ilaaliyaa ka aan sidaadda daacadiisa labadda mayl laga maqlayn. Waxa sarbeeb ahayd iyana ku haysata " Durduro geel baa ku jabay ee dadaw is ilaali", Barwaaqadu waa ayaamo tirsane, hadhaw marka ay jeesato, ka daba barooro kuguma yeesho. Ugu damabyn waxan ku soo xidhay, Dhibta laysku egaa, waynoo dhexaysoo, adiguba dharaaraad, ka qoslaysay dhooshee, saw caawa dhaantiyo, filan maysid dheel-dheel, waar xabsiga liita ku cab malaha maad filanayne.

* N.B  Ninka Godobta Galay, Kuu U Galay, Baa Gadaal Dila'e !
Qore:- Abdi-Shotaly

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...