Isma Qabato Baddii Waanu Iibinay, Hawadiina Waanu Soo Ceshenay ( Abdi-Shotaly).

Sunday February 18, 2024 - 10:45:38
hadhawanaag
N.B Shar Baa Risiqii U Galay Xaaraan Baa Tidhi Ani I Ruug.


Khiyaaliga la rabo in lagu xado dadka maan-gaabka ah iyo beenta kolba meel loo jeedinaayo, waxay si cad u fasilaysaa odhaah-ddii ahayd " Doofaar Abidikii Ma Daahiro" Bal waxay maamulka askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo kooxdda ka daba subcisaa quraan-dhurwaaga, ay ina leeyihiin, oo ay rabaan in aynu ka yeello, inagana dhaadhi-ciyaan " Baddii Waanu Iibinay, Hawadiina Waan La Soo Wareegnay" Taasi ma wax aynu qaadan karnaa? Is-wayddii oo yey ka go'daa arintani? Ma maamulka " Xaafad-Tooyadda Mise Villa Somalia" Maamulka Askarigu awood ma u leeyahay, dhul uu bixiyo iyo hawo uu la wareego? Maxaase ku kelifay in uu been la wadda og-yahay ka sheego hawadda? Jawaabtu waxa weeye, mar baa askariga lagu doortay been, tii baanu is-leeyahay maantana waad ku maraysaa ee ku day, laakiinse isma uu weydiin ma kuu hir-geleysaa? Xaalku saw odhaah-dacawadda ee ahayd maaha " Daxawo Halkay Macal Ku Barato, Ayey Macaluul Ugu Bakhtidaa" Akhristaw, bal dalka sidda ay maamulka askartu wax kuugu sheegaan iyo u dhaqmaan ee shaqa-dooduba tahay intan hoose baan ku soo koobaye ee ila akhriya.


 

Aduunyadan Rubuc hadhay, inteeddii badnayd la rogay, rug-teeddii bahalku degay. rays-keeddii wadda engegay, fool-xumo ay raysatee wakhtigu uu raarayee, dadkii wadda raad gateen, ratiga loo qalay sunta ah ( waa xaaraane), riyuhu ay maamulaan, Xaqii hay raadin yidhi, Run baa car i sheeg i tidhi, samaa yidhi hay rokayn, dantii way reeban tahay, belaa tithi ii riyaaq, khayr baa laga roorayaa, shar baa risiqii u galay, markaan raacdee is idhi, talaa tidhi hay rog-rogin. Been baa tidhi ani i Raac,Tuug baa yidhi ila rafiiq, Xaaraan baa tidhi ani i ruug, Xalaal baa tidhi i reeb. Cannaan baa la riixayaa, wanaag wuu riiq-mayoo, Kal-gacal baa ruugag jabay, rishwaa tihdi hayga tegin, cidlaan ku rafaad-sanoo, wa taas i rifeen dugaag, roobkii da'a kama caboo, waxaan ruubtaa haraad, ilkuu wax ma raabiyaan, waxaan ruugaa lafaha, markaan macaluul ribaday, naftii ila roor i tihdi, sidaas reer kuma dhaqmee.


 

Waxan ku soo xidhay maqaalkan laba qodob oo yar,

(a) Ka hore wuxu ku saabsan yahay " Faysal Zaad" Waxa leeyahay haddii ay ku yidhaaheen Adaanu kuu Foodaynaa ee Dalka la iibiyey, nagu taageer iyo xumaanta ay qooshayaan Reer Qudhmiye" waa kuu nacasnimo, ee iska qaado inta lagugu shubtay.


(b) Hawdo lala soo wareegay ma jirtee, oo waad og-tahay halka laga xukumo'e, ee qiimahee bay kuugu fadhiyaan, ee ay ku soo fareen kuwaad ka hor lahayd Ummadda waanu ka farxinaa? Ma dalka la xaraashay iyo beenta ay hawadda ka sheegayaan, baad dadka kaga farxinaysa? Waxan ku soo dabray, Reer Antigaa cid kaafa foodaysaa ma jirtee iska dharaqaan, sidaas wax ku heli mayside.


* N.B Shar Baa Risiqii U Galay Xaaraan Baa Tidhi Ani I Ruug.

Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...