Bilan Cismaan oo ka hadashay sheekadeeda hadal-haynta sababtay ayaa qortay:

Thursday April 11, 2024 - 11:22:46
hadhwanaagtv
Waxan idiin sheegayaa ka Wariye ahaan waxaan si joogta dusha..



"Qaarkiin waad arakteen baan u maleynayaa in ay socoto dhaleeceyn aan raad lahayn oo laga sheegaayo aniga ay ka socoto baraha bulshada. Waxaa dhaleeceyntaas iyo eedeyntaas xun u ololeynaaya mid cunsuriga midigta xagjirka ah, waa isla ninkii abaabulay in la gubo Quraanka Kariimka laba sano ka hor, waxan xiriir la lahaa 2 sano, taas oo aan ahayn sir oo ay ogaayeen inta badan dadka aan isnaqaanay, saaxiibaday iyo familjkeyga iyo weliba dadkii aan wada shaqeyneyney dhamaantood way ogaayeen xiriirkaas.


Wadahadalkeenii ayaa la soo dhigay baraha bulshada, wax aan qariyo meesha ma jiraan.


Waxan idiin sheegayaa ka Wariye ahaan waxaan si joogta dusha uga ilaalinaayey oo baaritaan aan ku hayey qolyaha Cunsuriga xagjirka ah xaaladaha kala duwan ay ku sugan yihiin, sida ay u dhaqmaan taas oo aan ka sameyn jiray qoraalo, marka si aan howshaas adag u fuliyo waxa khasab noqotay in aan la kulmo kuwaas xag jirka ah intooda badan, oo weliba aan tuso in yar oo naxariis, waa tab ( strategi ) aa isticmaalaayey si aysan u didin oo hubka iska dhigaan , waxa ahaa qof doonayey ka wariye ahaan in uu wax badan ka ogaado kooxaha Xag jirka ee Cunsuriga ah ee naceb dadka asalkooda qaxootiga ah.Waxan rabay in aan si fiican u fahmo kooxaha xagjirka iyo weliba siyaasadooda ku wejehan in ay aniga iyo familkeyga iyo waxa aan aaminsanahay ay ka takhalusaan. Howshaas waa mid aad u khatar badan , lakiin aniga oo og waxaas oo khatar ah oo jira ayey u qalantaa howshaas in aa u galo khatartaas.


Wax badan oo waaya aragnimo ah ayaan ka faaiidey intii aa ku dhexjiray howshaas saxaafada oo aad iiga caawin doona shaqadayda ah aan sii wado la dagaalanka cunsuriga xagjirka ah oo aan baa' bi"iyo cunsuriyada.


Dhowr asbuuc ka hor ayaan galay baraha bulshada, kedib waan ka baxay barihii bulshada kedib markii aan xiriirkii u jaray Cunsurigii Xagjirka ahaa. Taas waxa jira kuwo in ay bilaabeen in ay faafiyaan war been ah ( propaganda) oo ay ku doonayaan in ay dadka ay ka dhaadhiciyaan war been ah , taas oo ujeedadoodu tahay in ay shaki geliyaan dadkii i aaminsanaa, isaga oo yiri waxa uu ila lahaa xiriir oo aan waxba ka jirin waa arin ah waxa uu jeclaan uun ayuu sheegay. Arintaas oo aan weligeed dhicin , dadka intooda badan way ogyihii .


Dadka aan isnaqaan way ogyihiin in uu igu waashay, i soo waco , i tusay jacayl. Waxan u noqday qof u naxariista , lakiin kama jawaabin dareenkiisii ahaa jacaylka. Hadda markii aan gooyey xiriirkiisii aduunkii ayaa ku soo dumay. 


Kuwa noocaan oo kale waa khatar aan kaa dhamaaneyn. Waa mid dhaawacmay oo qalbijabsan wuxuu sameynaayaa wixii uu doono in uu u abuuro shaki , oo dhibaatada heysata uu dareemo in ay ka dabacdo, wuxuu isku dayayaa sidii in uu ka talaabsado qof mayda oo kale , taas weligiis u suurtoobi meyso, sababta oo ah wa qof niyad jabsan, oo jahwareersan, oo waxba igama tari karo. Waxaan ahay qof fur furan, daacad ah oo bani'aadninimo aaminsan. Warku waa intaas. Wax war qarsoodi ah ma jiro."

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...