Muxuu Yahay Dagaalka Cusub Ee Itoobiya Ka Bilawday Ee QM Ka Hadashay?

Wednesday April 24, 2024 - 08:58:24
Hadhwanaag
"Qaramada Midoobay ayaa xaaladda bini'aadantinimo ee halkaas ka jirta ..."


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in iska horimaadyada ka soo cusboonaaday deegaan lagu muransan yahay oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya ay ku barakaceen in ka badan konton kun oo qof.


Ciidamada iska soo horjeeda ee ka soo kala jeeda gobolada Tigreega iyo Axmaarada ayaa todobaad ka hor dagaal ka bilaabay ku dhex maray degmada Raya Alamata oo ay labaduba sheegteen.


Qaramada Midoobay ayaa xaaladda bini'aadantinimo ee halkaas ka jirta ku tilmaantay mid aad u xun.


Aagga lagu muransan yahay ayaa qayb ka ahaa Tigray ilaa dabayaaqadii 2020 markaasoo uu dagaal sokeeye ka dhex qarxay fallaagada Tigrayga iyo dowladda federaalka.


Ciidamada Amxaarada ayaa la wareegay deegaanka iyagoo ku andacoonaya in markii hore ay ka tirsanayd gobolkooda. Dagaalku wuxuu ku dhammaaday heshiis nabadeed laba sano ka hor balse arrinta goobaha lagu dagaalamay ayaa weli ah mid aan xal loo helin. (In ka badan afar milyan oo qof ayaa ku barokacay gudaha Itoobiya – inta badan waxaa sabab u ah colaadaha.)


BBC
     
Loading...