Xukuumadda oo Shaacisay Xilliga uu Dhammaystirmayo Heshiiska Somaliland iyo Dalka Itoobiya.

Thursday May 02, 2024 - 08:53:49
Hadhwanaag
Wasiir Ciise Keyd wuxuu sheegay in ay socoto dhammaystirka ...


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa shaaciyay in muddo laba bilood gudahood ah lagu dhammaystiri doono heshiiskii is fahan ee ay kala saxeexdeen labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya 4 bilood ka hor.



 

Wasiir Ciise Keyd wuxuu sheegay in ay socoto dhammaystirka heshiiska is-fahan ee ku wajahan in ay Jamhuuriyadda Somaliland ka kirayso Itoobiya 20 km oo xeebteeda ah, taasi oo ay Somaliland dhaafsatay in ay dawladda federaalka Itoobiya aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.


 

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Wasiirku wuxuu sidaas u xaqiijiyay Warsidaha Deutsche Welle ee dalka Jarmalka.


 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu intaasi ku daray in wadaxaajoodyadu u socdaan labada dal isla markaana la dhisay guddiyadii farsamada ee ka shaqeynaya isku-duboridka dhammaystirka heshiiskii ay wada galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.


 

Waxa kale oo uu bayaamiyay inuu ku kalsoon yahay in qabyo-tirka Heshiiskaasi ku dhammaan doono labada bilood ee fooda innagu soo haya.


 

Geesta kalena Wasiirka horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta Deutsche Welle, u sheegay in aqoonsigu uu Somaliland u horseedayo inay codkeeda gaadhsiiso caalamka oo ay ka heli karto fursado maalgashi, ganacsi iyo horumar.


 

Wasiir Sacad waxa uu ku dooday in ictiraafku uu Somaliland u saamaxi doono inay dhaqaale ka amaahato hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda.

     
Loading...