Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal ( Abdi-Shotaly).

Sunday March 03, 2024 - 15:29:14
hadhwanaagnews
* N.B Ma taqaanid Neenta'e, Runta Barasha-deedaa, Bello Kaa Hor-joogtaa!



Deg-Deg: Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Asjariga, ku diiday in xilka laga qaado Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo ka tirsanaa guddida Doorashooyinka .Xubintan oo guddida ku meteli jirtay xisbiga Waddani, ayaa hore ugu eedeeyay in uu la shaqayn kari waayay guddida Doorashooyinka.


Tani waxa ay ka dhigan tahay in Cabdicasiis ka sii mid ahaan doono guddida Doorashooyinka haddii aanu iskii isu-casilin.


 

Illaah caafimaad ha siiyee Abwaan Xasan Ganay baa waxa murti-diisa ku jirtay " Ma Taqaanid Beenta'e Runta Barasha-deedda Bello Kaa Hor joogta" looma dhigin " Raggii ma Adigaa Ka Hadhay" Waxa runta la yodhaaho, oo wuxu u haystaa siyaasad beenta iyo munaafaqadda. Ta kale isla saaka Golaha Wakiilada Somaliland aya ansixiyey miisaaniyada 2024 .


Waxaa ogolaadey 41 Xildhibaan, waxaana diiday 6 , waxaana ka aamusay 1 mudane. Hadaba

Mar haddii xubintii waddani la soo celiyey


Waxaad filataa Askariga oo komishanka fara-geliya oo kala dira/ ama qaar is casilaan. Shaadhkii Askariga waa laga baxay, oo wakiiladdii iyo Maqaaxiddii Salabeen Yuhuudi dhabarka bay u jeediyeen, waxa ku hadhay oo keliya Komishanka, oo isna ku khasban Talladdii Beesha Habar Jecllo, Rabbi Raali ha ka ahaadee.


 

Horaa maah-maahi u ahayd " Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal" Meeraysigan cusub iyo miliqsiga mudo kordhin hor leh ee uu rabo, albaabkii wuu ka soo xidhmay.


Taaasna waa la sii ogaa. Meesha keliya ee u hadhay waa komishanka oo uu kala diro, yidhaahana way wadda shaqayn kari waayeen. Askariggii iyo nacamla-yaashi ka daba sacabin jirey, haday hoog iyo ba' bay ku jiraan,oo ay leeyihiin tallaw xaguu askarigu noo diri doona, beentii soo af beeshaye. Isku soo duubo, haduu maamumlkii " Xaafad-Tooyadu" uu dabadda jeediyey, oo uu ku af-gobaad-sanayaa, wax aan u soconayn, oo laysla wadda og-yahay, una suuro gelayn in ay ummadda ku qanciyaan,taas oo oo ah:-


(a) Hawadaan la soo noqonay,

(b) Bal yaabka jira Dhulkii iyo Baddii ay iibiyeen baan ictiraaf ku helaynaa,

(c) Doorasho baanu qabanaynaa ay Faysal Zaad ku soo shubtaan


 

Ugu dambayn, waxaas ay dhurayaan maamulka labadda Askari waa biyo col dhaanshay iyo ina wax kama jiraan, ciiro isku qarin aam qof-na ka dednayn. Waxan ku soo af-jaray maqaalkan, kolba derbi isku qaad iyo beeni soo dhamaade, waxa qudha ee u hadhay waa Komishanka oo uu kala diro, dabeed wakhtigu ka dhaco, taasina si deg-deg Ah bay u soo gabaga- boobaysaa, ee xaguu isku taari wuu gawracan yahaye.


* N.B Ma taqaanid Neenta'e, Runta Barasha-deedaa, Bello Kaa Hor-joogtaa!


* Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...