Ganacsatada Qaadka keena Soomaaliya oo shaqo Joojin ku dhawaaqay

Thursday April 11, 2024 - 08:59:18
hadhwanaagtv
Arintan ayaa ka dambeysay kaddib go'aan ay ku gaareen



Ganacsatada Qaadka ka keentadalka Kenya ayaa shaqo joojin ku dhawaaqay ka dib markii lagu kordhoyay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado.


 

Ganacsatada Qaadka ayaa tilmaamay in muddo ah toddobaad ah qaadka aan la keenidoonin Soomaaliya.


 

Arintan ayaa ka dambeysay kaddib go’aan ay ku gaareen inay joojinaayaan qaadka ay u dhoofin jireen Soomaaliya ee Kenya,waxana ay ka banaan baxayaan lacago canshuur dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.


 

Hase ‘ahaayee Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa la filayaa inuu booqdo Kenya lamana oga in wada-hadallo uu la yeelanayo dhiggiisa Kenya lagu soo dari doono Arinta lagu xallinayo canshuurta dheeraadka ah ee la saaray Qaadka oo ah maandooriyaha lacagta ugu badan ay ka sameyso Kenya.

     
Loading...