Sida Malaayiin doollar ay dad ajnebi ah uga soo diraan Soomaaliya bil walba iyo dalalka loo diro lacagtaas.

Thursday May 02, 2024 - 08:58:35
hadhwanaagtv
Nathan Mugisha, ku xigeenka Danjiraha Uganda ee Soomaaliya..



Soomaaliya ayaa noqotay il dhaqaale oo cusub oo ay bil walba dad ajaanib ah kasoo diraan malaayiin dollar.


 

Warbaahinta Kenya oo xiganaysa ilo diblumaasi ayaa sheegay inay Soomaaliya noqotay xarun dhaqaale oo cusub oo sanad walba dibeda looga diro kow iyo labaatan milyan oo doolar.


 

Dadka lacagaha u dira dibeda waxaa ka mid ab 35,000 oo qof oo Yugaandheys ah, oo kuwaas oo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya. Dadkaas oo maalin walba xawila lacag u dhexeysa $50,000 Ilaa $60,000.


 

Nathan Mugisha, ku xigeenka Danjiraha Uganda ee Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican in lacagtaas aad u yartahay marka la barbardhigo lacagaha ay Soomaaliya kasoo diraan shaqaalaha Kenyanka ah ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo tiro ahaan ka badan Yugaandheyska.


 

"Waxaan halkan ku haynaa fursado badan oo ku saabsan beeraha, shaqaalaha xirfadlayaasha, gaar ahaan qaybta dhismaha iyo macdanta."


 

"Waxa kaliya ee aan u baahanahay in aan hurdada kicino dadkeena si aan qiimo ugu kordhinno xirfadaha aan rabno inaan halkan ku suuqgeyno si aan wax badan uga helno dhaqaalahan," ayuu sii raaciyay Nathan Mugisha.


 

Waa maxay shaqooyinka ay ka qabtaan Soomaaliya ajaaniibta Kenyanka ah iyo Ugandhayska ah

 

Ma jirto cilmibaaris rasmi ah oo lagu tiro koobay shaqooyinka ay Soomaaliya ka qabtaan dadka u dhashay Kenya iyo Uganda. Laakiin waxay uga dhex muuqdaan shaqooyinka dhismeyaasha, hotteelada, xarumaha waxbarashada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay - xitaa waxay qaarkood ka shaqeeyaan guryaha dadka ladan.


 

Diblumaasiyiinta Safaaradda Kenya ayaa ku qiyaasay tirada muwaadiniintooda ka shaqeeya Soomaaliya in ka badan 30,000 oo qof. Waxaa se la rumeysan yahay in tirada rasmiga ah ay intaas ka badan karto.


 

Waxaana la filayaa in tiradan ay kor u kacdo shan laab, shanta sano ee soo socota, taas oo ay sabab u tahay kubiirista Soomaaliya ee ururka bulshada Bariga Afrika.


 

Sidaas oo ay tahay, Soomaaliya laguma darin warbixintii ugu dambeysay ee Bangiga Dhexe ee Kenya ee ku saabsan xawaaladaha sanadkii dhamaaday, kaas oo ay ku xuseen Tanzania, Uganda, South Africa, Nigeria, South Sudan, Zambia, Ivory Coast, Masar iyo Malawi oo ah meelaha ugu badan ee ay quraba joogta kenya lacagaha ugasoo diraan dalkooda.


 

Uganda iyadu way ka duwan tahay sidaas, oo waxaa ba loo arkaa Soomaaliya inay ka mid tahay dalalka ugu badan ee dadka Uganda ay u shaqo tagaan. Sacuudiga ayaa ah dalka koobaad ee dadka ugu badan ee reer Uganda ay u shaqo tagaan.


 

Sarkaal ka tirsan Safaaradda Uganda waxa uu u sheegay warbaahinta in tirada dadka Uganda ee u shaqo tago Soomaaliya ay kor u kacday ku dhawaad labo sano gudaheed kadib markii ay xiriiro wada jira ay yeesheen ergada joogtada ah ee Uganda iyo Soomaaliya bishii Agoosto 2022.


 

Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa sawir rajo leh ka bixinaya dhaqaalaha sanadkan si loo xoojiyo, iyadoo kobaca GDP dhabta ah la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba, iyadoo loo eegayo dib-u-habaynta, baabiinta deynta iyo hagaajinta qulqulka xawaaladaha, sdia ay sheegtay Hay'adda Lacagta Adduunka.


 

Dowladda oo meesha ka saartay caqabadaha maalgashiga

 

Dawladda Soomaaliya waxay meesha ka saartay dhawr nidaam oo xannibaysay keenista raasummaalka, taasoo siinaysa shisheeyaha ogolaasho ah inay si buuxda u yeeshaan maalgashigooda, dib u soo celinta raasamaalka iyo inay helaan ilaalin buuxda oo dalka ah.


 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xannibaadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee ay muujiyeen maamullada maalgashiga shisheeye ay sababaan khasaaraha wax soo saarka ilaa boqolkiiba labo (2%), sidaas darteedna ay Soomaaliya go’aansatay in ay meel mariso sharciga ilaalinta maalgashiga iyo maalgashadayaasha, 2023, si ay u soo jiidato maalgashadayaasha shisheeye.


 

Waxa uu sheegay in inkastoo ay jiraan caqabado dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed, Soomaaliya ay bilowday bog cusub oo ku qotoma soo jiidashada maalgashiga tooska ah ee shisheeye iyada oo la abaabulayo, la xoojinayo lana hagaajinayo hannaanka ganacsiga iyo deegaanka.


 

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Muqdisho 24-kii April, markaasoo uu si rasmi ah u furay shirka maalgashiga Soomaaliya & Bandhiga


 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdiisu ay dejisay qorshayaal lagu dardargelinayo kobaca dhaqaalaha oo ay hormuud ka tahay ganacsiga gaarka loo leeyahay ayna fududeysay dowladda.


 

Mr Gitagama ayaa ku ammaanay Muqdisho sida ay u kobcisay jawi ganacsi oo wanaagsan oo ay ka mid tahay dhismaha xafiiska horumarinta maalgashiga Soomaaliya iyo hirgelinta nidaam canshuureed oo dhiirigelinaya maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.


 

"Ansaxinta Sharciga La-dagaalanka Argagaxisada ee Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 2023-ka, kaas oo la doonayo in lagu dhiso qaab-dhismeed sharci ah oo awood u siinaya hay’adaha amniga dowladda, dagaalka lagula jiro argagixisada gudaha Soomaaliya, waxaa lagu wadaa in la dejiyo nidaamka amniga iyo dhiirigelinta maalgashiga shisheeye.” Ayuu intaasi raaciyay Mr Gitagama ayaa yiri.

isha bbc/somali

     
Loading...