"Haddii aad fikraddaas la wadaagto qof kale kadibna kugu qosla
Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, waxaan ku arkay fariin xikmad xambaarsan oo igu reebtay saameyn weyn. Ka qof ahaan aad ayaan uga helay, waxaana go’aansaday inaan idinla wadaago si aad u ogaataan qiimaha fikirka iyo riyada kugu soo dhacda:
"Haddii aad leedahay riyo, himilo, ama fikrad kugu soo dhacday mar, ogow in fikirkaas uusan ahayn mid micno darro ah. Ilaahay baa maskaxdaada ku soo riday, taasina waxay ka dhigan tahay inaad haysato awoodii iyo kartidii aad ku hirgelin lahayd. Haddii aadan awooddeeda lahayn, fikirkaasba ma kuu iman lahayn."
"Haddii aad fikraddaas la wadaagto qof kale kadibna kugu qosla markaad uga sheekeysay ama kuu sheega inay tahay wax aan macquul ahayn ha niyad jabin. Maaha inaad adigu khaldan tahay, balse waxaa laga yaabaa in isaga aysan u suurtoobin inuu arko waxa aad adigu aragtay. Xitaa haddii uusan xumaan ujeedin, waxaa laga yaabaa inay ka tahay faham la'aan ama xuduud yarida fikirkiisu leeyahay."
Waxaan si gaar ah uga faa’iiday gabadha hoos ka muuqata sawirkeeda qodobkan: Haddii fikrad kugu soo dhacdo, meel ku qoro. Ha iska illoobin. Ma ahan wax iska yimid waa ilhamin Rabbi kaa siiyay.
Waxaan rabaa tusaale nololeed oo arrintan si qoto dheer u muujinaya inaan ku darsado ka Mohamed ahaanteyda:
Xusuusnow qisadii Nabi Yuusuf (CS) markii uu Rabbi doonayay inuu wax weyn ka dhigo, wuxuu ugu billaabay ilham: riyo. Riyadaas oo ahayd fariin ka timid xagga Rabbi. Laakiin ma ahayn riyo uu qof walba fahmi karo kaliya Aabbihiis, Nabi Yacquub (CS), baa fahmay macnaheeda, wuxuuna kula dardaarmay: "Riyadaada ha u sheegin walaalahaa, haddii kale way kugu xasdi doonaan.”
Fikraddaha qaar ama riyooyinka qaar laguuguma soo dirin in qof kasta fahmo ama ku garab istaago. Waxaa suuragal ah inaad tahay qofka keliya ee Alle (SWT) u doortay fikradaas iyo fulinteeda.
Fikrad walba oo kugu soo dhacda waxay mudan tahay in meel lagu qoro waxaana laga yaabaa inay noqoto bilowga guushaada.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!