Dawlada Mareykanka oo markii ugu horreysay ku dhawaaqday howlgal l lagu difaacayo Taiwan

Wednesday June 12, 2024 - 07:58:24
hadhwanaag
Istiraatijiyadan difaac ayaa lagu qeexay habka ay weerarka...



Dawlada Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaciyay howlgal la sheegay in lagu difaacayo Taiwan, tan oo sare u qaadaysa suurtagalnimada Shiinaha uu ku doonayo inuu duulaan ku qaado jasiiradda madax bannaanida raadinaysa.


 

Taliyaha taliska Mareykanka ee Indo-Pacific, Admiral Samuel Paparo ayaa ku dhawaaqay howlgalkan loogu magac daray "HELLSCAPEā€ oo uu ku sheegay istiraatijiyad difaac oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay uga hortagayaan inuu Shiinaha xoog ku qabsado Taiwan.


 

Istiraatijiyadan difaac ayaa lagu qeexay habka ay weerarka difaaca ah u billaabayaan Mareykanka iyo xulafadiisa , marka Shiinaha uu billaabo dagaalka , iyadoo Taiwan la geyn doono kumannaan doomaha quusa ee aan ciddi wadin, diyaaradaha aan duuliyahan lahayn iyo awoodaha kale ee militari , kuwaaso markiiba weerar difaac ah billaabaya marka maraakiibta Shiinaha ay ka soo gudbaan marinka 100-mayl ee dhanka

 Taiwan.

 

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in waqti hore madaxweynaha Shiinaha , Xi Jinping inuu ku wargeliyay ciidanka militariga inay u diyaar garoobaan duulaan ay xoog ugu qabsanayaan Taiwan, dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ee Shiinaha ayaa sidoo kale soo muujiyay suurtagalnimada duulaanka Shiinaha oo la sheegay inuu dhiirrigelin ka helayo dagaallada Ukraine iyo Qasa.

     
Loading...