Caddaa Al-Manaan oo Diblomaasi hore oo reer Suudaan ah isla markaana ah xeel-dheere axadha arrimaha Afrika, ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Donald Trump ay u degdegayaan in Maraykanku aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Warbixinta Mr. Caddaa Al-Manaan oo lagu daabacay Telefishanka Aljazeera oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayuu ku sheegay in bogcada istaraatajiga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallaa ay ka dhigtay mid muhiimad weyn leh oo quwadaha waaweyni u tartamayaan.
Mr. Caddaa wuxuu bayaamiyay in Somaliland ay ku taallo badda cas iyo marin biyoodka caalamiga ah ee Baabul-mandab oo boqolkiiba 12 uu maro ganacsiga caalamku, halka boqolkiiba 40 ay maraan ganacsiga iskaga kala goosha Yurub iyo Aasiya.
Warbixinta lagu baahiyay Aljazeera waxa ay sheegtay in Somaliland ay madaxbannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, iyadoo muddadaas ay dalkeeda ka hirgelisay nabadgelyo, dawladnimo shaqeynaysa iyo doorashooyin xor ah oo xukunka la iskugu wareejiyay si nabdoon.
Warbixinta uu qoray Mr. Caddaa Al-Manaan wuxuu sheegay in mid ka mid ah daraasaadka laga qoray aqoonsiga Somaliland ay daabacday Kaaliyihii hore ee Xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsanayd Afrika, Jenday Frazer oo ku baaqday in Maraykanku aqoonsado Somaliland, isagoo u raacaya nidaamkii uu u maray aqoonsigii uu siiyay Kosovo sanadkii 2008kii.
Jenday Frazer waxa ay u daliishatay in la aqoonsado Somaliland inay leedahay dawlad shaqeynaysa, xudduud sugan iyo in aan laga rejo qabin in Somaliland ay dib ula midowdo Soomaaliya.
Waxa kaloo ay Maraykanka ku boorisay inuu saldhig millateri oo istaraataji ah ka samaysto Somaliland, si uu uga hortago saameynta sii kordhaysa ee Shiinaha.
Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in khubarro ja tirsan maamulka madaxweyne Trump ee siyaasadda dibaddu ay danaynayaan inay ku guubaabiyaan madaxweynaha Maraykanka in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kalena, Warbixintu ay faahfaahisay marxaladihii Somaliland soo martay tan iyo xilligii gumaystaha, midowgii burburka sababay ee ay la gashay Soomaaliya iyo horusocodkii ay ka samaysay dhinacyada nabadgelyada, hourmarka, dimuqraaddiyadda iyo dawlad dhiska 34kii sannadood ee ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii.