Shirka maal-gashiga Somaliya oo ka furmay Muqdisho

Wednesday April 24, 2024 - 16:02:26
Hadhwanaag
"sidaas awgeedna ay xukuumadda dadaal ugu jirto soo jiidashada ..."

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka maal-gashiga Soomaaliya.


Shirkan ayaa lagu soo bandhigayaa sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa Bulshada Barifa Afrika (EAC).


Ra’iisul Wasaare Xamza, oo hadal ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan "qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay xukuumadda dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.”


Waxa uu ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah, sida uu hadalka u dhugay.


Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galay ganacsato ka socotay dalalka Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya.
     
Loading...