Somaliland Oo Cabasho Ka Dhan Ah Somaliya Udirtay Beesha Caalamka

Tuesday April 30, 2024 - 09:15:28
Hadhwanaag
"Waxaanu iftiimiyay in xukuumadda JSL ay ugu baaqday beesha caalamka "

Hargeysa (HWN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka hadlay 5 muwaadin oo dawladda Soomaaliya ay Muqdisho ku xidhay isla markaana la sheegay in la jidh dilay.


Siday werisay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Wasiir Ciise Keyd ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.(Twitter) wuxuu ku caddeeyay in xukuumadda JSL ay si dhow ula socotay xadhig iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay'ado dawladeed.

Waxaanu iftiimiyay in xukuumadda JSL ay ugu baaqday beesha caalamka iyo Hay'adaha xuquuqul insaanku ay degdeg u farogeliyaan dhacdadan isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo lixdaas qof, oo uu tilmaamay in soo sheegay in la jidh dilay. 

Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu intaas ku daray in ay dhallinyaradani xidhnaayeen illaa 15kii Feberwari iyadoo aan loo haynin wax lagu xukumo.
 Wasiir Ciise Keyd wuxuu soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u  shaqeeya Hay'adaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo magacyadoodu yihiin:-

 1.Mubaarig Nuur Cali (ICAO).

2. Nuuradiin Ileeye (ICAO).

3. C/Raxmaan Cabdilaahi Khaliif (Salaf) (ICAO).

4. Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).

5. Almis Saleebaan (WFP)

Dawladda Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku khasbaysa inay qirtaan dilkii Cabdinaasir Dahable oo ay Muqdisho si arxan darro ah ugu dishay Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
     
Loading...