Dadkaa Geesi Lagu Yahay ( Abdi-Shotaly).

Tuesday February 27, 2024 - 10:44:25
Hadhwanaagtv
* N.B Ummad Dabar Ma Xidhi Karo, Doqon Baase Moog Taas'

Odhaah hore baa ahayd " Wallee ina ragaw tallo aduun taadda uun maaha" Waa dhab, muxuu wakhtigu mid maskax xun, oo wax is biday, markuu ka degi waayey faras-kiisii xidaysnaa, ee wax maqal loogu taag waayey, wax sheeg iyo waano dheg u jalaq-siin waayey, waayo'aragnimo wax qaadan waayey, keliggii wax is biday, Illaah yar is-mooday siddii "Fircoon" Waa sidda labadda askari ee " Xaafad-Tooyada'e" Markay ayaamuhu mudo kooban ay u been sheegeen, bay cirka isula baxeen ilayn waa caqli askariye, isu qaateen dar aan cidiba abid loodin karin, laakiin-se aakhirkii ay seeftii afka badnayd ee wakhtigu, intay ka daba timi ay xaglaha goysay, tusaale ahaan waxa ka mid ahaa, Saajin Doh, Jim Paul Bukaasa,, Adloff Hitler, Napoleon, Yean Smith, Xayle Salaase, Af-weyne, Shaahii Iran iyo qaar kaloo badan.

Waxa hadaba la yaab leh, labadan is daba luudaaya, waa "Geenyo-shaaximan iyo Raggii ma adigaa ka hadhaye" Oo intaba hoos ka sii xiga, weligood aan kob cagaar leh ka soo dururin, waxna loo diran jirin, baa maanta S/Land ka doobyaaya iyaba waa ayaan darro inagu dhacdaye.

Kuwa noocaas ah aan sare ku xusay, kolkii aynu kaba aanay lahayn si khaladn loogu geliyey, bay cirkaas isula baxeen, dabeed imikay meel dhulka iyo cirka u dhaxaysa ay lal-manayaan, miciin la'aan.

Wax badan baa abwaano aan la soo xadidi karin oo soomaaliyeed ay duulka cayn-kaas u dhaqma ka hadleen, haddii mid aynu ka soo qaadano, erayadda uu yidhi waxay tibaaxa-yaan, bal ALLE haw naxariistee wax-yaabaha lagu xusuusta Cali Sugule Cigaal (Dun Carbeed ) baa murti-diisii waxa ku jirey, bayd aan cidi masaxi karin kuna suntan maansadiisii Silsiladii Deeleyda, kas oo ah " Ummad dabar ma xidhi karo, afka hadalka daa iyo digniin kuma aamusaanoo, dulmi wuu is dhabar jebin, Diric keli ahaanti, daleel guusha kama helo, nin kastaa ha daalee, Dadkaa geesi lagu yahay, doqon baase moog taas ). Maanta bay taagan tahay, waxana uu kaga qayb qaatay xiliggii ay "Silsiladdii Deelaydu Socotay" IHUN Il-dheer garad buu ahaa aynu tebayno isaga iyo qaar kaloo badan,Sidda Hadraawi, Qaasim, Gaariye, Ibrahim Gadhle iyo qaar kaloo badan. Tima-cade Rabbi Dhamaan-toodu Janadda Fardawsa hawgu deeqee.

Waxan ku soo xidhay maqaalkan, xikmad baa ahayd "Nin-ba wax is leh" Subaxan saaka ah bay ku foorartaa labaddii Askari, maah-maah baa ahayd " Hunguri wax ka weyn la geliyaa, wuu Dilaacaaye" Waxay isku doonteen, oo is yidhaaheen Maayir Abdikariim Ahmed Mooge, waa liqi karay-naane ee afka u dhigta, waxaase ka raacay lama arag iyo lama maqlaan, Geenyo-shaaximan baa is yidhi waxad haysataa xil-dhibaanadda intii ugu badnayd ee bedel, ilayn wixii lagu qabay kii hore ee " Carfaaye" malaha Solteeko baa ugu yeedhaane, baa la waayey, laakiin indho-guba buu la kulmay Geenyo-shaaximani, markii 10 Xil-dhibaan u foodeen Abdikariim A.Mooge. Akhristaw war la qabaa xiiso ma laha'e, markuu ku guulaysan waayey, buu beentii uu akhriyi jirey suuqa iyo war-baahinta soo gashaday, oo uu yidhi " Aniga bee heshii-siiyey" ilayn been kama waantaw-do'e. Wax isku khajilaa-yana maahee, waa iska oodaa rogan. Waxan-se kaga ciil la'ahaye in ay seeftu ku soo foorarto, dhawaana ay kurta ka goyn doonto isaga, saaxiibkii, jin-dagaagay iyo digsi xagato-ba.

* N.B Ummad Dabar Ma Xidhi Karo, Doqon Baase Moog Taas'

Qore:- Abdi-Shotaly.


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...