Ha Dib Dhigin Salaadda: Fursadda Cibaadadu Waa Inta Aad Nool Tahay

Friday October 30, 2026 - 17:38:21
hadhwanaagnews
Bal ka fikir qof sannado badan noolaa, maqlayay aadaanka, arkayay dadka

Qofku inta uu nool yahay waxa uu haystaa fursad uu Alle ugu noqdo, salaadda ku tukado, toobad keeno, naftiisa saxo, wanaagna sameeyo. Waa fursad qaali ah oo maalin kasta inoo furan, balse qofku mararka qaarkood ma dareemo qiimaheeda ilaa uu waqtigu ka dhammaado.

Marka geeridu timaaddo, waxa dhammaanaya fursaddii camalka adduunka. Qofku ma heli karo maalin kale oo uu salaad ku tukado ama uu ku saxo wixii uu dayacay. Sidaas darteed, waa in aynu ka faa’iidaysannaa inta aynu nool nahay.

Bal ka fikir qof sannado badan noolaa, maqlayay aadaanka, arkayay dadka masaajidda u socda, fursadna u haystay inuu Alle hortiisa istaago oo sujuudo, hase yeeshee mar kasta cibaadada dib ugu dhigaya waqti kale.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu qofkaasi geeriyoonayaa, waxaana maydkiisa loo soo qaadayaa masaajidkii uu noolaan ku tegi kari waayey, si loogu tukado salaadda janaasada. Waa waano ina xusuusinaysa in noloshu tahay fursad kooban oo ay tahay inaynu ku dadaalno cibaadada iyo camalka wanaagsan.

Salaaddu ma aha wax aynu samayno marka aynu firaaqo helno, balse waa waajib mudan inaynu nolosheenna mudnaanta koowaad siino.

Ha sugin berri si aad u bilowdo cibaadada. Ha u oggolaan mashquulka adduunku inuu kaa mashquuliyo waajibkaaga. Inta aad haysato fursadda nolosha, Alle u noqo, salaadda ilaali, toobad keen, wanaagna samee.

Alle ha inaga dhigo kuwa salaadda ilaaliya, cibaadadiisa ku dadaala, dembiyadoodana ka toobad keena. Aamiin.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...